Real Madrid Oo Guul Dahabi Ah Kasoo Gaadhay Levante, Vinicius Iyo Benzema Oo Los Blancos Furtay & Courtois Oo Bandhig Weyn Sameeyay

Real Madrid ayaa guul kasoo gaadhay kooxda Levante oo ay booqatay, Los Blancos ayaa 2-0 kusoo adkaaday waxaana ay labada gool ka heleen da’yarka ree Brazil ee Vinicius JR iyo Karim Benzema.

Los Blancos ayaa saddexda dhibcood helay kulankii saddexaad oo xidhiidh ah, mid kamida xiddigaha masuuliyada dhibcahan lahaa ayaa ah goolhaye Thibaut Courtois oo badbaadino cadaan ah kasoo sameeyay Levante.

Image

Shaxdii Kulankan Ee Labada Kooxood

Levante: Aitor, Roger, Bardhi, Morales, Malsa, Vezo, Postigo, Vukcevic, Clerk, Miramon, Campana

Real Madrid:

Image

Faah-Faahinta Xogta Kulanka

Kooxda martida loo ahaa ee Levante ayaa daqiiqadii 7-aad heshay fursad goolka u dhaw, Mortu ayaa darbad xoogan goolka soo hormariyay balse xiddigaha kooxdiisa ayaa awoodi waayay inay leexiyaan.

GOOOAL: Ismari waaga kulanka ayaa jabay daqiiqadii 16-aad, da’yarka Los Blancos ee Vinicius ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, da’yarka ree Brazil ayaa geeska midig kubadda ku helay isaga oo qaab caalami ah darbad jaran xagal adag uga dhaliyay.

Xiddiga Levante ee Vukcevic ayaa daqiiqadii 31-aad ee kulanka qarka u fuulay inuu goolka kasoo gudo kooxdiisa kaddib markii uu madaxeeyay kubad koorne laga soo tuuray balse dedaalkiisa ayaa birta goolka ku dhammaaday.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay hoggaan 0-1 ah oo ay haysatay Real Madrid iyagoo la hoyday goolkii Vinicius.

Vinicius ayaa daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta aad ugu dhawaaday inuu goolka kalsoonida u dhaliyo Los Blancos, Asensio ayaa baas fiican geeska goolka u dhigay Vinicius oo kubad sarre ka dul-qaaday goolhayaha oo kusoo baxay balse isku daygiisa ayaa wax yar hareer maray birta goolka.

Xiddiga Levante ee Bardhi ayaa tijaabo adag mariyay goolhaye Thibaut Courtois, Bardhi ayaa darbad gantaal ah banaanka goolka kaga ganay Real balse Courtois ayaa badbaadin cajiib ah iskaga saaray.

Levante ayaa soo qaaday weeraro ay ku doonayso goolka bar-bardhaca, Morales ayaa daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta kubad uu geeska kala xarooday laagay walow laagiisu uu shabaqa dambe garaacay.

GOOAL MAYA MAYA!! Kabtan Ramos ayaa kubad qalad lagu halay Real ahayd oo uu soo qaaday Luka Modric madaxa ku dhaliyay balse goolka ayaa riixid uu riixay daafaca Levante darteed ah loo diiday.

Clerk ayaa markale aad ugu dhawaaday inuu goolka kasoo gudo kooxdiisa, kubad uu toos ugula baxay goolka Madrid ayuu haddana badbaado ka sameeyay Courtois oo udub dhaxaadka kulankan ee Real Madrid ahaa.

GOOAL: Karim Benzema ayaa daqiiqadii ugu dambaysay kulanka soo af-jaray Levante, dhammaan xiddigaha kooxda martida loo ahaa oo weerar ah ayaa Benzema baas loogu furay goolka isaga oo kula baxay goolhayaha isla markaana si cajiib ah u dhammaystiray goolka 2-aad.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.