Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Jimce Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Jimce ah:

Manchester United waxay go’aansatay inay Chelsea kula tartanto difaaca bidix ee Leicester City ee Ben Chilwell, kaddib markii ay soo baxday in Blues aanay doonayn inay bixiso £80 milyan oo Gini oo Foxes ku xidhay qandaraaska 23 jirkan. (Mirror)

Madaxa Hawl-gallada Borussia Dortmund, Sebastian Kehl ayaa ku nuux-nuuxsaday in 20 jirka garabka weerarka reer England ee Jadon Sancho ay hubaal tahay inuu kooxda sii joogayo, inkasta oo Manchester City ay xiisaynayso laacibkan. (Manchester Evening News)

Dortmund waxay rumaysan tahay in kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ay sannadka dambe soo dalban doonaan Jadon Sancho, haddii United ay ku guul-darraysato inay la saxeexato xagaagan. (Mirror)

Goolhayaha Atletico Madrid iyo xulka qaranka Slovenia ee Jan Oblak ayaa go’aan ka gaadhaya mustaqbalkiisa, taas oo farxad u ah Chelsea oo si weyn u doonaysa. (AS)

Manchester City waxay xiisaynaysaa difaaca Napoli ee Kalidou Koulibaly laakiin waxay dafirtay inay wax dalab ah ka gudbisay 29 jirkan reer Senegal. Sidoo kale waxay City beenisay inay xiisaynayso khadka dhexe ee reer Spain ee Thiago Alcantara oo 29 jir ah. (Manchester Evening News)

Kooxda ku guuleysatay horyaalka Premier League ee Liverpool waxay si rasmi ah xidhiidh ula samaysay Bayern Munich oo ay kala hadlayso sidii ay u kala iibsan lahaayeen Thiago Alcantara. (Bild)

Liverpool waxay joojisay xiisihii ay u haysay weeraryahanka 18 jirka ah ee Talles Magno oo u dhashay waddanka Brazil, una ciyaara kooxda Vasco da Gama. Da’yarkan ayaa hore loo sheegay inuu kusii jeedo Anfield. (Standard)

Arsenal ayaa si rasmi ah u shaacin doonta heshiis saddex sannadood ah oo ay la gaadhay xiddiga reer Brazil ee Willian oo 31 jir ah, Sabtida, kaddib markii uu soo dhamaaday heshiiskiisii Chelsea. (Telegraph)

Arsenal waxay mushahar ahaan u siin doontaa Willian £220,000 Gini toddobaadkii, iyadoo heshiis xor ah la gelaysa. (Mail)

West Ham United waxay u sheegtay Chelsea inay bixiso lacag ka badan £80 milyan oo Gini, haddii ay dhab ka tahay doonista 21 jirka khadka dhexe ee Declan Rice. (Times)

Manchester United iyo Tottenham Hotspur waxay Juventus xagaagan ka heli karaan fursad kale oo ay kula soo saxeexan karaan weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala oo 26 jir ah. (Mirror)

Tababaraha cusub ee Juventus ee Andrea Pirlo ayaa  u sheegay weeraryahanka reer Argentine ee Gonzalo Higuain oo 32 jir ah iyo laacibka khadka dhexe ee reer Germany ee Sami Khedira oo 33 jir ah, inay iskaga tegi karaan kooxda. (Goal)

Man United waxay ka dalban doontaa Roma £20 milyan oo Gini haddii ay si rasmi ah ula saxeexato difaaca reer England ee Chris Smalling oo diyaar u ah inuu mushaharkiisa dhimo si uu kooxda Talyaaniga uga mid noqdo. (Sun)

Arsenal waxay tartan kala kulmaysaa Juventus oo go’aansatay inay u dhaqaaqdo laacibka khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid ee Thomas Partey oo ah 27 jir u dhashay Ghana. (Gazzetta Dello Sport)

Napoli ayaa doonaysa inay heshiis la gaadho kooxda Everton oo ka rabta kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Allan oo 29 jir ah. (Express)

Agaasimaha Bayer Leverkusen ee Rudi Voller ayaa ku adkaystay in 21 jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxdaas ee Kai Havertz oo bartilmaameed u ah Chelsea, ay kaliya u ogolaan doonaan inuu ku baxo shuruudo cayiman. (Kicker)

Difaaca bidix ee Chelsea ee Emerson Palmieri oo 26 jir ah, waxa uu heshiis shaqsi ah la galay kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan. (Calciomercato)

Blues waxa loo badinayaa inay lasoo saxeexan doonto difaaca Real Madrid ee Sergio Reguilon oo baasha bidix ka ciyaara, amaahna ugu maqan Sevilla. Waxay Chelsea kaga horreysaa tartanka 23 jirkan Arsenal oo iyaduna xiisaynaysa. (AS)

Wakiilka kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Philippe Coutinho oo 28 jir ah ayaa sheegay in xiddigan Barcelona uu kusii negaan doono Camp Nou xili ciyaareedka dambe, xilli si weyn loola xidhiidhinayo kooxo Premier League ka dhisan. (TalkSport)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.