RB Leipzig Oo Iska Xaadirisay Semi-finalka Champions League, Atletico Madrid Oo Qalbi-Jab Kale La Hoyatay Iyo Leipzig Oo Ballansatay PSG

Kooxda kubadda cagta RB Leipzig ayaa iska xaadirisay semi-finalka tartanka Champions League, kaddib markii ay 2-1 ku garaacdahy Atletico Madrid oo ay isku haleeleen wareegga siddeedda.

Kooxda reer Germany ee RB Leipzig ayaa markii ugu horreysay taariikhda waxay tagtay semi-finalka, waxaanay la ciyaari doonaan PSG oo kasoo adkaatay Atalanta.

Atletico Madrid ayay u ahayd habeen xun oo aanay qaab ciyaareed wanaagsan la imanin, waxaana ciyaarta oo dhan ka awood banayd Liepzig inkasta oo ay fursado kooban heleen.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaanay labada kooxood wax goolal ah kala dhalinin, laakiin markii lagu soo laabtay qaybta labaad ee ay shan daqiiqadood oo kali ah socotay ayuu weeraryahanka reer Spain ee Olmo uu Daniel Olmo uu madax ku dhaliyey goolka koowaad ee ciyaarta, kaddib markii uu kubbad ka helay Marcel Sabitzer.

Atletico Madrid ayaa heshay goolka barbarraha oo ahaa rikoodhe, waxaana u dhaliyey Joao Felix, hase yeeshee ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan tahay ayay RB Leipzig u dabbaal-degtay guusha ciyaarta waxaana gool qurux badan u dhaliyey Tyler Adams.

ATLETICO MADRID STARTING XI (4-4-2): Jan Oblak; Kieran Trippier, Stefan Savic, Jose Gimenez, Renan Lodi; Koke, Hector Herrera, Saul Niguez, Yannick Carrasco; Marco Llorente, Diego Costa.

Kaydka: Thomas Lemar, Joao Felix, Ivan Saponjic, Felipe, Alvaro Morata, Vitolo, Mario Hermoso, Toni Moya, Antonio Adan, Thomas Partey, Manuel Sanchez, Santiago Arias.

RB LEIPZIG STARTING XI (3-4-2-1): Peter Gulacsi; Lukas Klostermann, Dayot Upamecano, Marcel Halstenberg; Konrad Laimer, Marcel Sabitzer, Kevin Kampl, Angelino; Dani Olmo, Christopher Nkunku; Yussuf Poulsen.

Kaydka Tyler Adams, Hugo Novoa, Nordi Mukiele, Yvon Mvogo, Dennis Borkowski, Philipp Tschauner, Joscha Wosz, Emil Forsberg, Patrik Schick, Ademola Lookman, Amadou Haidara, Willi Orban.

Diego Simeone ayaa afar ciyaartoy ka beddelay safkii uu ku ciyaaray kulankii ugu dambeeyey garoomada ee ay ku garaaceen Real Sociedad, waxaanu keenay Gimenez, Sual, Carrasco iyo Llorente, isaga oo kaydka u diray Felipe, Thomas, Vitolo iyo Morata oo kursiga kaydka uu dhigay.

Sidaas oo kale, Julian Nagelsmann ayaa toddoba isbeddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Augsburg kulankii ugu dambeeyey oo ahaa horyaalka Bundesliga, waxaanu kusoo bilaabay Upamecano, Halstenberg, Angelino iyo Olmo oo dhamaantood aan ciyaartaas hore joogin.

Ciyaarta ayaa ku bilaabantay dardar iyo jawi la moodayay in lagu ciyaarayo garoonka RB Leipzig, iyadoo kooxda Jarmalku ay awood xad-dhaaf ah muujinaysay, halka Atletico ay ka wiiqanaayd garbaha difaaca, weerarka laakiin ay xoogaa khadka dhexe yara fiicnaayeen inkasta oo Leipzig ay kaga awood badnayd.

Daqiiqaddii 13aad ayay fursaddii ugu weynayd ee ciyaartu timid, waxaana samaysay Atletico Madrid oo uu weeraryahanka Carrasco madaxa ku qabtay kubbad loogu keenay xerada ganaaxa, waxaase diyaar ahaa Peter Gulacsi oo badbaadiyey.

RB Leipzig ayaa kaga jawaabtay dhawr kubbadood oo ay gelisay xerada ganaaxa Atletico Madrid iyagoo ka keenayay labada dhinaca oo ahaa halka ay ku xoogganayaan, waxaase shaqo wanaagsan qabtay difaaca Atletico Madrid oo khataro badan isku dhigay, halka kubbado kooban oo gaadhay Jan Oblak uu sidooda iskugu duubay.

Labada kooxoodba waxa soo maray kubbado ay rikoodheyaal ku dalbadeen laakiin garsooraha ciyaarta ayaan dheg jalaq u siinin, maadaama VAR aan wax xidhiidh ah lagala soo samaynin.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay goolal la’aan barbarro 0-0 ah, waxaana waqtigii nasashada ay tababareyaashu uga faa’iidaysteen inay saxaan meelaha ay kooxahoodu ka liigayeen.

Dardaaranka uu Julian Nagelsmann soo siiyey ciyaartoygiisa ayaa shaqeeyey, iyadoo daqiiqaddii koowaad ee qaybta labaadba la dareemay.

GOOOOAAAAAAALLLLLLL1!!!! RB Leipzig 1-0 Atletico Madrid – Weeraryahanka reer Spain ee Daniel Olmo ayaa furay gool-dhalinta ciyaarta, waxaaanu madax ku qabtay kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday Marcel Sabitzer.

Goolkan oo dhashay daqiiqaddii 50aad ayaan loo baahanin in laga soo hubiyo VAR maadaama ay wax waliba caddaan ahaayeen oo aanay imanin sabab looga shakiyo Offside ama qalad dhacay ka hor intii aanay kubaddu shabaqa gaadhin.

Diego Simeone ayaa isbeddel ku sameeyey kooxdiisa, waxaanu saaray Hector Herrera isaga oo keenay weeraryahanka reer Portugal ee Joao Felix.

20 jirkan ayaa culayskii weerarka ee haystay Atletico Madrid ka fudaydiyey, waxaanu kubbad isku-dhiib, orod iyo farsamo sare u adeegsaday inuu dib u riixo khadkii dhexe ee Leipzig ee markii hore kusoo socotay.

RIKOODHE: Atletico Madrid ayaa rikoodhe heshay daqiiqaddii 70aad kaddib markii qalad lagu galay Joao Felix oo xerada ganaaxa lasoo galay kubbad kaliya uu goolhayuhu ka xigay shabaqa, waxaana garsooraha go’aankiisa ku waafaqay VAR oo aan wax isbeddel ah ku samaynin.

GOOOAAALLLL RB Leipzig 1-1 Atletico Madrid – Joao Felix ayaa rikoodhaha loo dhigay u beddelay gool, waxaanay ciyaartu noqotay barbarro 1-1 ah.

Simeone oo ku najaxay beddelka hore ee uu sameeyey ayaa waxa uu saaray weeraryahanka Diego Costa isaga oo keenay Alvaro Morata si uu dardar u geliyo weerarka.

DAQIIQADDII 87AAD: WAQTIGII DHIMASHADA – GOOOAAALLLL RB Leipzig 2-1 Atletico Madrid – Tyler Adams ayaa kubbad awood badan dhaafiyey goolhaye Jan Oblak kaddib markii dhinaca bidix uu Angelino uga soo dhiibay kubbad uu soo daba-mariyey difaaca Atletico oo hore u wada galay xeradooda ganaaxa.

Alla muxuu gool ahaa!!!

Atletico Madrid ayaan waqti badan u helin inay iska soo beddelo goolka labaad ee lagala hormaray, iyadoo garsooruhuna uu inyar kaddib damaashaadka taagay shan daqiiqadood oo dheeraad ah oo ciyaarta lagu daray.

Daqiiqaddii 90+2: FURSAD – Atletico Madrid ayaa kubbada qalad ahayd oo loo dhigay waxay kusoo dhex tuureen ciyaartoyda labada kooxood oo wada taagan xerada ganaaxa RB Leipzig horteeda, waxaana kasoo qayb-qaatay goolhaye Jan Oblak, hase yeeshee waxa kubaddan iska difaacay Leipzing oo koorne u saaray.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.