RASMI: Zinedine Zidane Oo Ku Dhawaaqay Liiska Kooxdiisa Ee Kulanka Alaves & SADDEX Difaac Oo Kaliya Oo Uu Haysto

Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Alaves ee Jimcaha, waxaanu ka tegay xiddiga reer Colombia ee James Rodriguez.

Tababare Zidane oo sharcigu u ogol yahay inuu soo xusho 23 ciyaartoy ayaa go’aansaday in kaliya 22 laacib uu u yeedho, waxaanu si badheedh ah uga yimid James oo booskiisa oo bannaan aan lagu darin liiska, waxaanay noqonaysaa ciyaartii labaad oo xidhiidh ah ee sidan oo kale loo reebo.

Real Madrid

Real Madrid ayaa mashaqo dhinaca difaaca ah ku dhex-jirta, waxaana kaliya uu Zidane u yeedhay saddex difaacyahan iyadoo ay ganaaxyo kaga maqan yihiin Sergio Ramos iyo Dani Carvajal.

Difaaca reer Brazil ee Marcelo ayaa kula biiray Nacho Fernandes liiska ciyaartoyda dhaawaca ah, laakiin Los Blancos wax faahfaahin ah kamay bixin muddada uu difaacoodan bidix garoomada ka maqnaan doono.

Luka Jovic oo looga shakisan yahay caabuqa Korona ayaa la geliyey go’doon kaddib markii la ogaaday in qof ay saaxiibo yihiin uu xanuunkani ku dhacay, waxaanu ka hadhay ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka.

Zidane ayaa u yeedhay labada difaac ee da’yarta ah ee Javi Hernandez iyo Miguel Gutierrez.

Real Madrid oo hal dhibic ku haysa hoggaanka horyaalka LaLiga ayaa afar dhibcood ka sarrayn doonta Barcelona haddii ay guul ka keento ciyaartan.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Alaves

Goolka: Thibaut Courtois, Alphonse Areola iyo Diego Altube.

Difaaca: Eder Militao, Raphael Varane, Ferland Mendy, Javi Hernandez iyo Miguel Gutierrez.

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde iyo Isco.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vazquez, Marco Asensio, Brahim Diaz, Mariano Diaz, Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.