RASMI: Zinedine Zidane Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Man City Iyo Magacyo Waa Wayn Oo Iska Dhex Waayay.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa si rasmi ah u shaaciyay tirada ciyaartoyda kooxdiisa ee uu kala hor iman doono Pep Guardiola ee kulanka Champions League waxaana ka maqan magacyo waa wayn.

Real Madrid waxay Etihad Stadium iskeenaysaa iyada oo doonaysa in ay badasho natiijadii guuldarada ahayd ee 2-1 ka ugu gaadhay Santiago Bernabeu intii aan go’doonkii karoonaha la galin bishii March.

Zidane ayaa muujiyay in Gareth Bale aanu wax mustaqbal ah ku lahayn kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu gabi ahaanba ka saaray liiska 24 ka ciyaartoy ee Madrid uga qayb galaya kulanka Man City.

Bale ayaan Real Madrid u ciyaarin todobadii kulan ee ugu danbeeyay waxaana ugu danbeeyay kulankii Real Mallorca waxayna u muuqataa in Zidane uu hadda sii adkaystay go’aankii uu Bale meesha kaga saarayay.

Laakiin Sergio Ramos oo ganaax kaga maqnaanaya Real Madrid ayaa si ka duwan xaalada Bale waxa uu ku jiraan liiska ciyaartoyda Madrid iyada oo Zidane uu doonayo in kabtankiisu uu dhiiro galin la garab joogo xidigaha kale.

Eden Hazard ayaa dib ugu soo laabanaya halkii uu magaca wayn ku soo yeeshay ee England laakiin James Rodriguez oo la filayo in uu dhawaan Ateltico Madrid ku biiri doono ayaa liiskan isna ka maqan.

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Man City

Goolhayayaasha: Courtois, Areola iyo Altube.

Difaacyada: Carvajal, Militao, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Mendy iyo Javi Hernández.

Khadka dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde iyo Isco.

Weerarka: Hazard, Benzema, Lucas Vázquez, Jovi, Asensio, Brahim, Vinicius iyo Rodrygo.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.