RASMI: Xiddigii Hore Ee Chelsea Branislav Ivanovic Oo Ku Soo Laabtay Premier League & Koox Cusub Uu Ku Biiray

Daaficii hore ee Chelsea Branislav Ivanovic ayaa dib ugu soo laabtay horyaalka Premier League isagoo si rasmi ah ugu biiray kooxda u soo dalacday horyaalka xilli ciyaareedkan ee West Brom.

Ivanovic oo 36 sanno jir ah ayaa heshiis hal sanno ah u saxiixay kooxda West Brom.

Daaficii hore ee Chelsea oo khibrad badan u leh horyaalka Premier League ayaa si xor ah ugu wareegay West Brom ka dib markii uu dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore isaga tagay kooxda reer Russia ee Zenit.

Tababaraha kooxda West Brom ayaa sheegay in Ivanovic uu sida ugu dhakhsiyaha badan tababar u la bilaabi doono kooxdiisa cusub si uu taam ugu noqdo kulankooda xiga ee Premier League.

West Brom ayaa si xun ku bilaabatay ku soo laabashadeeda horyaalka Premier League ka dib markii ay kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka cusub ay guuldarro 3-0 kala kulmeen kooxda Leicester City.

Ivanovic ayaa saftay 377 kulan sagaal xilli ciyaareed uu joogay Chelsea isagoo kula guuleystay Premier League iyo FA Cup seddex jeer iyo sidoo kale Champions League iyo Europa League ka hor inta uusan u wareegin Zenit bishii Febraayo 2017.

Waxaa la fahamsan yahay in 36 jirkaan uusan ciyaari dooni kulanka EFL Cup ee ay West Brom Arbacada la ciyaareyso Harrogate Town..

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.