RASMI: Xiddig Ay Ku Dagaalamayeen Man United Iyo Arsenal Oo Kooxdiisa Ka Baxaya & Koox Saddexaad Oo Saxeexiisa Ku Guuleysatay

Kooxda ree France ee Lille ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu kooxdeeda ka baxayo daafaca dhexe ee ree Brazil ee Gabriel Magalhaes kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay Arsenal iyo Man United oo Premier League ku xifaaltama.

22 sano jirkan ayaysan xiisihiisa kali ku ahayn Arsenal iyo Manchester balse waxa sidoo kale dhinacooda ka doonayay Everton iyo Napoli.

Laakiin sida uu sheegayo wargeyska Manchester Evening News, waxa ay u muuqataa in dhammaan saddexleyda kooxaha ah ee England ka doonayaa ay waayi doonaan saxeexiisa isla markaana uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Napoli.

MEN ayaa intaas ku daraya in Man United wararkii la xidhiidhinayay ay ahaayeen kuwo kaliya suuqa ku jiray oo aysan Red Devils marnaba doonayn inay la saxeexdaan Gabriel Magalhaes.

Xaalad kastaba, madaxweynaha kooxda Lille ee Gerard Lopez ayaa hadda si rasmi ah u sheegay in Gabriel uu kooxdooda ka baxayo isagoo intaas ku daray inay go’aanka isaga u gacan geliyeen oo uu toddobaadkan ama midka xiga kooxdiisa cusub dooran doono.

Gerard Lopez ayaa yidhi “Qaabka aanu u shaqaynaa waa mid aad u fudud, waanu u sharaxnay isaga (Gabriel) iyo kuwa ku hareeraysan, wakiilkiisa, waxa aanu raadinayno, marka aanu helno dalabaadkaas go’aanka isagaa leh”

“Anagu halkaas ayaanu joognaa hadda sidaas darteed waxaanu u sheegnay isaga: ugu dambayn waa inaad go’aan gaadhaa laakiin kuma cadaadinayno”

“Waxaan filayaa inuu go’aan gaadhi doono toddobaadkan amaba toddobaadka xiga ugu dambayn, isagu wuu baxayaa, anagu waanu ogolaanay midaas”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.