RASMI: UEFA Oo Shaacisay Tirada Kooxaha Ilaa Hadda U Soo Baxay Champions League Iyo Xogta Kale Ee La Xidhiidha Oo Lagu Dhawaaqay.

 

Inta ugu badan xili ciyaareedyada horyaalada ugu waa wayn ee Yurub ayaa la soo gaba gabeeyay  laakiin horyaalka Talyaaniga waxaa wali ka hadhsan laba kulan iyada oo dhawaan la soo gaba gabayn doono.

Haddaba waxaa la og yahay inta ugu badan kooxaha xili ciyaareedka cusub ee 2020/2021 ka soo muuqan doona tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions league laakiin waxaa jira kooxo wali u soo bixi kara tartankan.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa kooxaha ilaa hadda u soo baxay heerka groupyada Champions League ee xili ciayareedka cusub, xogaha la xidhiidha ee horyaalada shan kooxood ku yeelan kara tartanka Champions League.

Horyaalada Spain, England, Germany iyo Italy waxaa dhamaan soo baxay min afartii kooxood ee ay Champions League ku lahaayeen laakiin waxaa jirta fursado kale oo ay qaar ka mid ahi shan kooxood ugu yeelan karaan Champions league.

Dalka Spain waxaa Champions League u soo baxay kooxaha Real Madrid, Barcelona, Atlético Madrid iyo Sevilla halka horyaalka Premier league ay afarta sare ee Champions League loogu soo baxo ku dhamaysteen Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Chelsea.

Talyaaniga waxaa soo baxay Juventus, Inter Milan, Atalanta iyo Lazio halka Bayern Munich, Borussia Dortmund, RB Leipzig iyo Burussia Mönchengladbach ay dhamaantood u soo baxeen Champions league.

Kooxaha U Soo Baxay Tartanka Champions League Ee Xili Ciyaareedka Cusub ee 2020/21:

SPAIN (4): Real Madrid, Barcelona, Atlético Madrid, Sevilla*

ENGLAND (4): Liverpool, Manchester City, Manchester United, Chelsea*

ITALY (4): Juventus, Inter, Atalanta, Lazio*

GERMANY (4): Bayern, Dortmund, RB Leipzig, Borussia Mönchengladbach*

FRANCE (2): Paris Saint-Germain, Marseille

RUSSIA (2): Zenit, Lokomotiv Moskva

PORTUGAL (1): Porto

BELGIUM (1): Club Brugge

UKRAINE (1): Shakhtar Donetsk

URKEY (1): İstanbul Başakşehir

Xog Muhiim Ah Oo Aad U Baahan Tahay In Aad Ogaato:

Maxaa dhici doona haddii kooxaha ku guulaysta Champions League iyo Europa League ay isku dal ka soo wada jeedaan oo ay hore Champions League ugu soo baxeen kaalmaha sare ee horyaalkooda?

  • Haddii ay laba kooxood oo isku dal ah oo kaalmaha horyaalkooda ugu soo baxay Champions League ay ku kala guulaystaan Europa League iyo Champions League, waxaa waxaa fursad heli doonta kooxda horyaalka Netherlands ugu saraysay oo si toos ah ugu soo bixi doonta Champions League maadaama oo qiimaynta UEFA ee horyaalka Holland uu kaalinta 11 aad ku jiro oo booskan ay sharci ahaan u helayaan.

 

  • Laakiin haddii koox Europa League ugu soo baxday kaalmaha horyaalkeeda ay koobkan ku guulaysato waxaa boos heli doonta xidhiidhka kubbada cagta kaalinta shanaad kaga jira qiimaynta UEFA oo France ah.
  • Horyaal ayaa heli kara shan kooxood oo Champions League uga qayb gali kara waana haddii ay laba kooxood oo isku wadan ahi ku guulaystaan Champions League iyo Europa League  balse ay kooxi ku dhamaysteen meel ka baxsan afarta kaalmood ee horyaalada Spain, Germany, England iyo Germany loogu soo baxayo Champions League.

Waxay tani la micno tahay in kooxda Arsenal oo aan u soo bixin Champions league ay wali haysto in ay Champions league ugu soo bixi karto in ay ku guulaysato koobka Europa League waxayna taasi keeni doontaa in horyaalka Premier League uu shan kooxood ku yeelan karo Champions League.

Waxaa jiri doona kooxo badan oo Yurub ah oo dhawaan loo bilaabi doono isreeb reebka si loo dhamaystiro 32 ka kooxood ee loo samayn doono isku aadka heerka groupyada Champions League.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.