RASMI: UEFA Oo Ku Dhawaaqay Shaxdii Ugu Fiicnayd Wareegii Siddeeda Ee Champions League & Koox Shan Ciyaartoy Ku Leh

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay shaxda kooxdii ugu fiicnayd Champions League toddobaadkan oo lasoo af-meeray wareega siddeed dhammaadka ee koobkaas.

Afarta kooxood ee kala ah Bayern Munich, RB Leipzig, Lyon iyo Paris Saint-Germain ayaa wareegaas gaadhay halka afarta kala ah Barcelona, Atletico Madrid, Man City iyo Atlanta ay gabi ahaanba ka hadheen tartanka.

Aan ku bilawnee shaxda goolkan ayuu ku jiraa shabaq ilaaliyaha kooxda Lyon ee Lopes oo xalay ciyaar dhab ah kala hortagay Manchester City isla markaana fursado badan ka beeniyay.

Saddexda daafac ee shaxdan oo habka 3-4-3 u samaysani ay leedahay ayaa kala ah Marquinhos oo gool ka dhaliyay Atlanta caawiyayna kooxdiisa PSG, daafaca bidix ee Atlanta ee Gosens iyo waliba Kimmich oo Bayern Munich ah isla markaana shabaqa Barcelona tagay.

Afarta khad dhexe ee shaxdan ayuu kamid yahay Phillippe Coutinho oo ugaadhsaday kooxda uu amaahda kaga maqan yahay ee Barcelona oo uu laba gool iyo caawin ku sameeyay 10 daqiiqo gudahood, Aouar oo markale tayadiisa ku muujiyay kulankii Man City.

Joao Felix oo Atletico Madrid ah isla markaana kooxdiisu hadhay ayaa sidoo kale ku jira xulashada UEFA kaddib rigoorihii uu dhaliyay waxaana khadka dhexe dhammaystiray Serge Gnabry oo isaguna kamid ahaa xiddigihii Bayern ee goolasha ka dhaliyay Barcelona.

Saddexleyda weerar ee shaxdan ayaa kala ah Thomas Muller oo laba gool ka dhaliyay Barcelona, Lewandowski oo qudhiisu gool ka dhaliyay Barca iyo waliba ninkii kala dhantaalay Man City ee Moussa Dembele.

Shaxda Oo Sawir Ah

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.