RASMI: Uefa Oo Ku Dhawaaqay Liiska Afar Ciyaaryahan Oo Ku Tartami Doona Xiddigii Toddobaadka Ee Champions League – Yaa Kusoo Baxay?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay magacyada afar ciyaaryahan oo ku tartami doona xiddigii ugu fiicnaa Champions League wareegii afar dhammaadka oo xalay iyo habeen hore la ciyaaray.

Kooxaha Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa balan iskaga samaystay Final-ka tartankaas Axada soo socota kaddib markii ay min 3-0 ku kala garaaceen Lyon iyo RB Leipzig sida ay u kala horreeyaan.

Haddaba, afarta xiddig ee bandhigyadii labadaas kulan xaday ee tartami doona ayaa kala ah Angel Di Maria iyo Neymar oo PSG ah iyo waliba Serge Gnabry iyo Robert Lewandowski oo Bayern Munich ah.

Aan ku bilawnee Di Maria oo ahaa xiddigii kala dhantaalay Leipzig ayaa ku lug lahaa dhammaan saddexdii gool ee kooxdiisa isaga oo laba gool caawiye kasoo ahaa midna isagu shabaqa geeyay.

Saaxiibkiisa kooxdaas ee Neymar ayaa markale soo sameeyay bandhig wanaagsan, 28 sano jirkaas ayaa gool caawin heer caalami ah u sameeyay goolkii Di Maria.

Dhinaca kale Gnabry ayaa halkiisa kasii watay qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ee xilli ciyaareedkan uu ka samaynayo CL, labadii gool ee uu xalay ka kala dhaliyay Lyon ayaa ahaa kuwiisii 8-aad iyo 9-aad ee xilli ciyaareedkan tartankaas.

Lewandowski ayaa isaguna sii waday gool dhalinta xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa noloshiisa isaga oo goolkii saddexaad xalay ku qalbi jabiyay Lyon.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.