RASMI: Trent Alexander-Arnold Oo Abaal Marinta Da’yarka Sanadka Ugu Fiican Ku Garaacay Rashford, Christian Pulisic, Martial, Greenwood Iyo Xidigo Badan Oo Kale.

Maamulka Premier League ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in difaaca midig ee kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold uu ku guulaysatay abaal marinta xidigii da’yarka ee sanadka Premeir League ugu fiicnaa.

Trent Alexander-Arnold ayaa soo qaatay xili ciyaareed aan la rumaysan karin wuxuuna abaal marinta da’yarkii ugu fiicnaa Premier league ku garaacay xidigo da’ahaan ka wayn isla markaana khibrad ahaan garoomada ugaga soo horeeyay.

Trent Alexander-Arnold waxa uu abaal marintan ku garaacay 7 ciyaartoy oo hore ugula jiray liiskii musharixiinta abaal marinta da’yarkii xili ciyaareedka Premeir League ugu fiicnaa.

Ciyaartoyda uu Arnold abaal marintan kaga guulaystay ayaa kala ah  Christian Pulisic,  Anthony Martial,  Marcus Rashford,  Mason Mount,  Mason Greenwood,  Dean Henderson iyo  Jack Grealish kuwaas oo dhamaantood xili ciyaareed fiican soo qaatay balse uu xidiga reer England ee Arnold uu abaal marintan ku garaacay.

Anthony Martial (left), Mason Greenwood (middle) and Marcus Rashford (right) had been nominated for the award but lost out to the full-back after he was key in their title win

Trent Alexander-Arnold ayaa markii ugu horaysay ku guulaysatay abaal marinta labaad ee horyaalka Premier Leauge ugu saraysa ee Premier League Young Player of the Year kadib markii uu dhigay rekoodh kale oo gool caawinta Premier League ee difaacyada u khaas ah.

Trent AlexanderArnold waxa uu xili ciyaareedkan soo dhigay rekoodhkii abid ugu sareeyay ee uu difaac ku sameeyay gool caawintii ugu badnayd ee Premeir league kadib markii uu sameeyay 13 gool caawin.

Laakiin arinta kale ee layaabka leh ee uu Trent AlexanderArnold soo sameeyay ayaa ah in uu noqday ciyaartoygii shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn ka soo sameeyay kubbadihii ugu badnaa ee xerada ganaaxa la soo galiyay wuxuuna sameeyay 509 kubbadood oo uu xeradaganaaxa soo dhigay.

Trent AlexanderArnold waxa uu Liverpool ku soo biiray isaga oo 6 sano jir ah, waxa uu kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda kowaad saftay waqti uu Klopp baahi badan qabay ee kulankii Old Trafford markaas oo uu ahaa 18 sano jir kaliya.

Waxa uu Champions League kula guulaystay kooxdiisa Liverpool isaga oo 20 sano jir ah waxa uu markale ka caawiyay in ay koobka Premeir League ku guulaystaan kaas oo ay ugu danbaysay isaga oo aan xataa jirinba.

Si kastaba ha ahaatee, Trent AlexanderArnold oo wali 21 sano jir ah ayaa la aaminsan yahay in aanu wali gaadhin heerkiisii ugu fiicnaa maadaama oo uu wali yahay ciyaartoy da’yar ah.

Ciyaartoyda iyo Da’dooda Ee Xidigaha Uu Arnold Abaal Marintan Ku Garaacay

Jack Grealish (age 24) – Aston Villa

Mason Greenwood (age 18) – Manchester United

Dean Henderson (age 23) – Sheffield United

Anthony Martial (age 24) – Manchester United

Mason Mount (age 21) – Chelsea

Christian Pulisic (age 21) – Chelsea

Marcus Rashford (age 22) – Manchester United

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.