RASMI: Santi Cazorla Oo Ku Dhawaaqay Kooxda Cusub Ee Uu Ku Biirayo & Jamaahiirta Arsenal Oo War Buuxa Helay

Jamaahiirta Arsenal ayaa baraha bulshada kusoo bandhigay dareenkooda murugo kaddib markii halyeeyga kooxdooda ee Santi Cazorla uu shaaca ka qaaday kooxda xigta ee uu u wareegayo.

Cazorla ayaa geesi ka ah gegida Emirates Stadium isaga oo wacdarro soo dhigay wakhtigii uu kusoo qaatay halkaas isla markaana qasbay in taageerayaasha kooxdaasi ay jeclaystaan.

Image

Sanadkii 2018 ayuu ka tagay Arsenal isaga oo ku laabtay kooxda Villarreal xilli uu xalay ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxdaasi isla markaana la rajaynayay inuu ku laaban doono Gunners.

Villarreal ayaa shalay shaacisay in kulankii xalay ee Villarreal uu ahaa midkii ugu dambeeyay ee uu Santi xidho maaliyada kooxdeeda.

Dhinaca kale taageerayaasha Arsenal ayaa doonayay inuu kooxdoodda ugu soo laabto ka ciyaaryahan ahaan amaba ka shaqaale tababare ahaan si uu da’yarta kooxda macalin ugu noqdo oo uu wax u baro.

Si kastaba, rajadaas ayaan rumoobin waxaana uu Cazorla shaaca ka qaaday in kooxda kusoo guuleysatay horyaalka Qatar ee Al Sadd uu ku biirayo lana midoobayo saaxiibkiisii xulka Spain ee Xavi Hernandez oo halkaas tababare ka ah.

Warka soo baxay ee sheegaya in Santiago Cazorla uusan ku laabanayan London ayaa ahaa mid ay dareenkooda qalbi jab kusoo bandhigeen barta Twitter-ka taageerayaasha Arsenal.

“Cazorla kuma soo laabanayo Arsenal” ayuu taageere Gunners ahi yidhi isaga oo soo raaciyay laba Emoji oo dareen muujinaya.

“Santi Cazorla waxa uu tagayaa Qatar waxaana uu kahoos ciyaarayaa Xavi, sidaas darteed guri-imaanshihii Cazorla ee aan rajayaynayay ma dhacayo” ayuu taageere kale yidhi.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.