RASMI: Ronald Koeman Oo Ku Dhawaaqay Liiska Kooxdiisa Barcelona Ee Kulanka Sevilla Ee Caawa – Miyuu Saxeexa Cusub Ee Sergino Dest Ku Jiraa?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb galaya kulanka adag ee ay caawa soo dhawayn doonaan kooxda Sevilla.

Tababare Koeman ayaa liiskan kusoo daray daafaca midig ee ay dhawaan kala soo wareegeen kooxda Ajax ee Sergino Dest walow ay adkaan doonto inuu kusoo bilaabo.

Sidoo kale liiskan ayuu kusoo baxay garabka weerar ee kooxdaas ee Ousmane Dembele oo lala xidhiidhinayo Manchester United, 23 sano jirkaas ayay Red Devils doonayaan inay ka dhigtaan bedelka Jadon Sancho oo ay hore u rabeen.

Liiska Oo Dhammaystiran

Image

 

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.