RASMI: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Inuu Kooxdeeda Ka Baxay Ciyaaryahan Lala Xidhiidhinayay Booska Ay Chelsea Ugu Baahida Badantay

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday bixitaanka goolhayahii kooxdeeda ee Alphonse Areola kaas oo hal xilli ciyaareed oo amaah ah kagala joogay dhinaca Paris Saint-Germain oo uu xagaagii 2019 kaga soo biiray.

Goolhaye Areola ayaa xilli ciyaareedkan gudihiisa lala xidhiidhinayay kooxda Chelsea oo suuqa ugu jirta saxeexa shabaq ilaaliye cusub kaddib markii uu tagay magaalada London isla markaana guri cusub ka iibsaday.

Areola returns to PSG from Madrid amid Premier League rumours

Alphonse Areola ayaa guud ahaan sagaal kulan xilli ciyaareedkan usoo ciyaaray Los Blancos isagoo kaabis u ahaa goolhayaha dookha koowaad ee Thibaut Courtois.

Real oo haatan si rasmi ah ugu dhawaaqday in wakhtigii bixitaanka ee Areola la gaadhay ayaa uga mahad celisay ciyaaryahankan huritaankii iyo xirfadlenimadii uu soo muujiyay mudada uu kooxdaas joogay.

Warbixinta Real ayaa u dhignayd sidan “Real Madrid waxa ay xaqiijinaysaa in wakhtigii amaahda ahaa ee Alphonse Areola uu soo dhammaaday”

“Kooxdu waxa ay jeclaan lahayd inay Areola uga mahad celiso huriinkiisii, xirfadlenimadiisii iyo dabeecadiisii tusaalaha ahayd xilli ciyaareedkan waxaana ay isaga uga rajaynaysaa wanaag oo dhan cusubkiisa cusub”

“Real Madrid sidoo kale waxa ay PSG uga mahad celinaysaa fursada ah inay Alphonse Areola u haysatay ka qayb safkeeda kamid ah ahaan”

Areola ayuu wakhtigan hanaanka kala xulashada PSG kaga horreeyaa Keylor Navas taas ayaana ka dhigan in qaabka kaliya ee uu wakhti ciyaareed ku heli doonaa ay tahay inuu koox cusub raadsado.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.