RASMI: Premier League Oo Ku Dhawaaqay Liiska Toddoba Ciyaaryahan Oo Xiddigii July Ugu Fiicnaa Ku Tartamaya – Yaa Kooxdaada Ugu Jira?

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay liiska toddoba ciyaaryahan oo ku tartami doona abaalmarinta xiddigii ugu soo fiicnaa horyaalkaas bishan July ee dhammaadka ah oo sidoo kale xilli ciyaareedka lasoo af-meeray.

Xiddigaha tartami doona ayaa kala ah Michail Ontonio (West Ham United), Anthony Martial (Man United), Oliver Giroud (Chelsea), Harry Kane (Tottenham), Nick Pope (Burnley), Christian Pulisic (Chelsea), Raheem Sterling (Man City).

July's EA SPORTS Player of the Month nominees

Weeraryahan Antonio ayaa bishaas soo dhaliyay siddeed gool isaga oo kooxdiisa West Ham kasoo caawiyay inay badbaado, kulanka uu wacdaraha soo dhigay ayaa ahaa midkii uu Norwich oo ay 4-0 kaga adkaadeen dhammaan afarta gool ka dhaliyay.

Oliver Giroud ayaa door weyn kasoo qaatay in Chelsea ay ku dhammaysato booska afraad waxaana uu goolal kasoo dhaliyay Crystal Palace, Watford, Norwich iyo Wolves.

Harry Kane ayaa dhinaciisa Tottenham usoo dhaliyay lix gool halka Anthony Martial oo sii watay wacdaraha uu xilli ciyaareedkan ku muujinayay Man United uu saddex gool iyo saddex caawimo kusoo kaabay kooxdiisa oo booska 3-aad ku dhammaysatay.

Goolhayaha Burnley ee Nick Pope ayaa laba kulan shabaq nadiif ah ku baxay lix kulan oo uu bishaas ciyaaray iyadoo uu Ederson oo Man City ahi kulankii ugu dambeeyay kaga qaaday abaalmarinta Golden Glove-ka maadaama oo uu hal shabaq nadiif ah dheeraa.

Pulisic oo sii waday bandhigiisa heerka kale ah tan iyo markii ay kubaddu soo laabatay ayaa gool kasoo dhaliyay Palace, gool iyo caawin ka sameeyay kulankii Liverpool oo uu bedel ku yimid isla markaana rigoorayaal lagu galay ciyaarihii West Ham United iyo Watford.

Ugu dambayn, Raheem Sterling ayaa isaguna Antonio la wadaaga min siddeed gool oo ay bishaas soo dhaliyeen isaga oo goolal kasoo dhaliyay Liverpool iyo Newcastle United kahor inta uusan saddexley ka dhalin Brighton, laba gool ka dhalin Watford isla markaana gool ku kala dhantaalin Norwich City.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.