RASMI: Man United Oo Talaabo Muhiim Ah Ka Qaaday Heshiiska Paul Pogba & Kooxihii Doonayay Oo Ay Dib U Dhac Ku Tahay

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay inay kordhisay heshiiska khadka dhexe ee kooxdeeda ee Paul Pogba oo uusan mustaqbalkiisa kooxdu ahayn mid lugo adag ku taagay kaddib hadal dhawaan kasoo yeedhay.

Pogba ayaa intii uu ku maqnaa kulamada caalamiga ah ee xulka France qirtay inuu ku riyoodo inuu metelo kooxda ree Spain ee Real Madrid taas oo aan ahayn markii ugu horreysay ee uu qirashadaas sameeyo.

Heshiis kordhinta Pogba ayaa ah in qandaraaskiisii hore ee kooxda lagu daray hal sano oo kale taas oo la micno ah in heshiiskiisa oo dhici lahaa dhammaadka xilli ciyaareedkani uu dhacayo 30-ka June 2022.

Iyadoo heshiiska Pogba oo 290,000 oo Pound toddobaadkii ku qaata Old Trafford uu dhacayay dhammaadka xilli ciyaareedkan ayay Manchester go’aanka ay sanadka kale ugu darayso qaadatay dhawr toddobaad kahor sida lagu sheegay wargeyska Sportsmail.

Warkan ayaa la micno ah in Pogba uusan qaab bilaash ah kaga tagi karin Red Devils dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana ay dib u dhac ku tahay kooxaha isha ku hayay inay bilaash kula saxeexdaan oo ay ugu horreyso Real Madrid.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo maanta ka hadlay Pogba iyo mustaqbalkiisa ayaa yidhi “Paul waa ciyaaryahankayaga, waxa uu halkan sii joogayaa laba sano oo kale waanan hubaa inuu diirada saarayo inuu waxa ugu wanaagsan anaga noo sameeyo”

“Waxaan doonaynaa inaanu aragno Paul-ka ugu wanaagsan waanan hubaa inaanu dhawrka sano ee soo socda qaab ciyaareedkiisa ugu fiican kasoo saari karno”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.