RASMI: Luis Enrique Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xulka Qaranka Spain Ee Kulamada Adag Ee UEFA Nations League

Tababare Luis Enrique ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Spain ee kulamada caalamiga ah ee bishan October, kuwaas oo iskugu jira ciyaaro saaxiibtinimo iyo kuwo ka tirsan UEFA Nations Legue.

Spain ayaa la ciyaari doonta Portugal oo ay Arbaca soo socota isku haleeli doonaan magaalada Lisbon ka hor inta aanay saddex maalmood garoonka Valdebebas ee Real Madrid ku martigelin Switzerland, waxaana labadan ciyaarood marka ay soo kala baxaan ay haddana safar u geli doonaan waddanka Ukraine oo ay magaalada Kiev kula soo dheeli doonaan dalkaas marka ay taariikhdu tahay October 7.

Kulanka hore ee Portugal ay ku ballansan yihiin ayaa ah ciyaar saaxiibtinimo oo Luis Enrique siinaysa in aanu cadaadis badan saarin ciyaartoydiisa ciyaaraha cidhiidhiga ah ee horyaalada aan waqtiga badan firaaqada ka noqon, waxay se labada ciyaarood ee xigaa ka tirsan yihiin UEFA Nations League.

Luis Enrique ayaa soo xushay 25 ciyaartoy oo ay ku jiraan Sergio Canales iyo Jose Campana oo bandhig wanaagsan soo muujiyey kulamadii horyaalka ee dhowaanta bilaabmay.

Sidaas oo kale, Dani Ceballos oo Arsenal muhiim ka ah ayaa uu dib ugu soo celiyey xulka, laakiin waxa aan lagu soo darin Marco Asensio oo dhaawac ah, Thiago Alcantara oo Korona Fayras uu ku dhacay.

Laacibka orodka iyo xoogga badan ee Wolves ee Adama Traore ayaa lagu soo daray liiska, kaddib markii uu kulamadii hore ee Spain ku seegay xanuunkan aafada ah oo ku dhacay.

Xulka qaranka Spain oo dhamaystiran:

Goolka: David De Gea, Kepa Arrizabalaga, Unai Simon.

Difaaca: Jesus Navas, Dani Carvajal, Sergio Ramos, Pau Torres, Eric García, Diego Llorente, Jose Luis Gaya iyo Sergio Reguilon.

Khadka dhexe: Sergio Busquets, Rodrigo Hernandez, Mikel Merino, Fabian Ruiz, Ceballos, Canales, Campana.

Weerarka: Rodrigo Moreno, Ansu Fati, Ferran Torres, Dani Olmo, Adama Traore, Mikel Oyarzabal, Gerard Moreno

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.