RASMI: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Champions League & Mid Kamida Xiddigaha Mustaqbalka Reds Oo Ka Maqan

Kooxda Liverpool ayaa ku dhawaaqday liiska kooxdeeda ee tartanka UEFA Champions League uu usoo xushay tababare Jurgen Klopp xilli ay isha ku hayn doonaan inay koobka hantaan markii labaad saddex sano gudahood.

Jurgen Klopp ayaa liiskan ka reebay xiddiga da’yarka ah ee kooxdiisa ee Harry Wilson kaas oo amaah ku bixi kara kaddib markii uu ka hadhay xulashadan 24-ka ciyaaryahan ah.

Xiddigo ay kamid yihiin Curtis Jones iyo Neco Williams ayaa kusoo baxay xulashada labaad ee List B taas oo ah halka ay tababarayaashu ku magacaabayaan qaar kamida xiddigaha akaademigooda kasoo baxa ee da’yarta ah.

Mid kamida xiddigaha uu Klopp doortay inuu liiskan ku daro ayaa ah Xherdan Shaqiri kaas oo si joogto ah loola xidhiidhinayay bilooyinkii ugu dambeeyay inuu iskaga tagayo Anfield.

Dhinaca kale Wilson ayay u badantahay inuu iskaga tagi doono Reds iyadoo uu wargeyska Evening Standard sheegayo in kooxdu ay ku jirto wadahadalo ay markale amaah ugu fasaxayso.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii hore tartankan kaga hadhay wareega 16-ka kaddib markii ay kooxda ree Spain ee Atletico Madrid ka adkaatay marti iyo minanba wareegii 16-ka.

Liiska Uu Klopp U Xushay Champions League Oo Dhammaystiran

Goolhayayaasha: Alisson, Adrian, Caoimhin Kelleher

Daafacyada: Virgil van Dijk, Joe Gomez, Kostas Tsimikas, Andy Robertson, Joel Matip, Trent Alexander-Arnold

Khadadka Dhexe: Fabinho, Georginio Wijnaldum, Thiago, James Milner, Naby Keita, Roberto Firmino, Sadio Mane, Jordan Henderson, Alex Oxlade-Chamberlain, Xherdan Shaqiri

Weeraryahanada: Takumi Minamino, Mohamed Salah, Diogo Jota, Divock Origi, Harvey Elliott

Da’yarta LIST B: Rhys Williams, Neco Williams, Curtis Jones

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.