RASMI: Liiska Xulka Qaranka Germany Ee Kulamada UEFA Nations League & Saaxiibtinimo Ee Bisha October Oo Lasoo Saaray

Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa  laba ciyaartoy oo cusub kusoo daray xulka qarankiisa kulamada soo socda ee bishan October, laakiin waxa ka maqan siddeed ciyaartoy oo ay ku jiraan saddex ka mid ah xiddigihii Bayern Munich u qaaday Champions League.

Xulka qaranka Germany ayaa ciyaar saaxiibtinimo kula ballansan Turkiga Arbaca soo socota ka hor inta aanay laba ciyaarood oo ka tirsan UEFA Nations League iskaga hor imanin Ukraine iyo Switzerland.

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Borussia Dortmund ee Mahmoud Dahoud iyo dhiggiisa Borussia Monchengladbach ee Jonas Hofmann oo labadooduba hore ugu soo ciyaaray xulka Germany ee ay da’doodu ka hoosayso 21 jirrada  ayaa markii ugu horreysay looga yeedhay xulka qaranka waaweynka oo ay ka bilaaban doonaan bog cusub.

Kulanka Turkey ayaa la filayaa in Jarmalku uu kala hor tegi doono ciyaartooyo badan oo kulamadoodii ugu horreeyey ciyaaraya, sida Florian Neuhaus maadaama ay maqan yihiin laacibiintii rigliga ahayd qaar badan oo ka mid ah.

Tababare Joachim Low ayaa Jimcihii maanta ku dhawaaqay xulka qaranka, waxaana ciyaarta Arbacada aan loogu yeedhin Manuel Neuer, Niklas Sule, Joshua Kimmich, Leon Goretzka iyo Serge Gnabry. Sidaas oo kale, Lukas Klostermann, Marcel Halstenberg iyo Toni Kroos ayaa  iyaguna kaliya kulamada UEFA Nations League ciyaari doona, inkasta oo Kroos uu ku maqan yahay dhaawac.

Waxa kale oo liiska xulka qaranka aan lagu soo darin Leroy Sane, Thilo Kehrer iyo Marc-Andrer ter Stegen oo dhamaantood dhaawac ah, halka Ilkay Gundogan oo Korona Fayras uu ku dhawacay aanu in muddo ah ciyaarin, sidaas darteedna aan xulka loogu yeedhin.

Xulka qaranka Germany oo dhamaystiran:

Goolka: Manuel Neuer (Bayern Munich), Bernd Leno (Arsenal), Kevin Trapp (Eintracht Frankfurt)

Difaaca: Emre Can (Borussia Dortmund), Matthias Ginter (Borussia Monchengladbach), Robin Gosens (Atalanta), Marcel Halstenberg (RB Leipzig), Benjamin Henrichs (RB Leipzig), Lukas Klostermann (RB Leipzig), Robin Koch (Leeds United), Antonio Rudiger (Chelsea), Nico Schulz (Borussia Dortmund), Niklas Stark (Hertha Berlin), Niklas Sule (Bayern Munich), Jonathan Tah (Bayer Leverkusen).

Dhexda: Nadiem Amiri (Bayer Leverkusen), Julian Brandt (Borussia Dortmund), Mahmoud Dahoud (Borussia Dortmund), Julian Draxler (Paris Saint-Germain), Leon Goretzka (Bayern Munich), Kai Havertz (Chelsea), Jonas Hofmann (Borussia Monchengladbach), Joshua Kimmich (Bayern Munich), Toni Kroos (Real Madrid), Florian Neuhaus (Borussia Monchengladbach), Suat Serdar (Schalke).

Weerarka: Serge Gnabry (Bayern Munich), Luca Waldschmidt (Benfica), Timo Werner (Chelsea).

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.