RASMI: Kulan Champions League Ah Oo Dhici Lahaa Caawa Oo La Kansalay Sababo La Xiriira Korona Fayras

UEFA ayaa xaqiijisay in la kansalay kulan Champions League ah oo u dhaxeeyay kooxaha Linfield iyo KF Drita ka dib markii ciyaartoy laga helay fayraska Korona.

Kulankaan oo ahaa wareega koowaad ee isreebreebka loogu soo baxayo wareega group-yada Champions League ee xilli ciyaareedka danbe ayaa u dhaxeeyay kooxda ka dhisan Northerland Ireland ee Linfield iyo kooxda reer Kosovo ee KF Drita iyadoo ay ciyaartaan caawa ka dhici laheyd magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Go’aanka lagu kansalay ciyaartaan ayaa ka danbeysay ka dib markii ciyaaryahan ka tirsan kooxda Kosovo laga helay caabuqa Korona Isniintii iyadoo baaritaankii ka horeeyay 7dii bishaan Agoosto uu soo laabtay inuusan waxba qabin.

Dhamaan ciyaartoyda kooxcda KF Drita ayaan laga helay Fayraska ka hor inta aysan tagin Switzerland.

Si kastaba, warbixin ay soo saartay UEFA ayaa lagu sheegay in ciyaaryahan ka tirsan KF Drita laga helay fayraska Korona ka hor kulanka caawa.

Ciyaaryahanka iyo ciyaaryahan kale oo uu xiriir dhow la sameeyay ayaa labduba la geliyay karantiil.

Sida ay sheegeyso jariirada Daily Mirror waxaa macquul ah in kooxda KF Drita in laga ceyriyo tartanka oo kooxda Linfield ay u soo gudubto wareega xiga ee isreebreebka Champions League.

Dhanka kale UEFA ayaan weli ka hadlin in labo xubnood oo ka tirsan Atletico Madrid laga helay fayraska Korona ka hor kulanka wareega sideeda Champions League ee ay la ciyaarayaan kooxda RB Leipzig.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.