RASMI: Kiisaska Caabuqa Korona Oo Sii Kordhaya & Xiddig Real Madrid Ah Oo Laga Helay Xanuunka

Goolhayaha dookha labaad ee kooxda Real Madrid ee Andriy Lunin ayaa laga helay xanuunka saf-marka ah ee dunida guud ahaan gaar ahaan xiddigaha kubadda cagta saamaynta kusoo yeeshay ee Korona Fayras.

Goolhaye Lunin ayaan laga helin xanuunka isaga oo jooga xerooyinka Real Madrid balse laga helay isaga oo waajibaadkiisa xulka qaranka Ukraine gudanaya.

Lunin ayaa lagu waday inuu kahor tagi doono xulka qaranka Spain inta lagu jiro kulamada caalamiga ah ee qaradamada balse haatan ayuu u baahan doonaa inuu isku karantiimo huteel ku yaala dalka France halkaas oo Ukraine ay iskugu diyaarinaysay inay France kaga hor tagto.

Sidoo kale goolhayaha kale ee xulka qaranka Ukraine ee Yuriy Pankiv iyo cuno kariyaha xulkaas ayaa ku laabtay xulka qaranka iyagoo xanuunka qaba.

Arrintan ayaa ka dhignaan doonta in Ukraine ay kaliya goolhaye u haysato Georgiy Bushchan kaddib markii xataa xiddigii goolhayaha dookha koowaad ahaa ee Andriy Pyatov laga helay caabuqa.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.