RASMI: Kala Saraynta Gool Dhalinta Koobka Sonyo Cup Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Saamaynta Finalka Gaashaan Vs Maaliyada.

Muddoyinkii ugu danbeeyay waxaa garoonka Hargaysa Stadium ee Somaliland ka socday koobka xiisaha badan ee kooxaha heerka kowaad ee waxaana hadda finalka koobkan iskugu soo hadhay kooxda wasaarada horumarinta Maaliyada iyo kooxda ciidanka qaranka ee Gaashaan.

Xidhiidhka kubbada cagta Somaliland ayaa soo saaray kala saraynta tartanka abaal marinta gool dhalinta koobkan waxaana qoraal rasmi ah oo xidhiidhka kubbada cagta ka soo baxay lagu shaaciyay xidigaha ilaa hadda goolasha ugu badan ka dhaliyay Sonyo Cup 2020.

Tartanka kubadda cagta ee SONYO CUP 2020 oo ay ka qeyb-galeen 12 naaddi oo heerka koowaad ah, ayaa waxaa maalintii Jimcihii naaddigii labaad uu iska Xaadiriyey kulanka dhammaadka ah ee (Finalka), taas oo labadda naaddi ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Ciidanka Qaranka ee Gaashaan ay yihiin kuwa soo gaadhay kulaka finalka ee koobka lagu kala qaadi doono.

Haddaba intuu tartanku socday waxaa jira ciyaartooyo dedaal gaar ah oo guulo ay ku gaadhsiiyeen naaddiyadooda la yimid, kuwaas oo goolasha dhallinayay ciyaarihii ay safteen, inkasta oo ciyaartoydaasi qaarkood naaddiyadoodi hadheen halka kuwa kalena ay ka mid yihiin naaddiyada soo gaadhay kulanka Finalka tartanka.

XKCSL waxa uu u arkaa in wakhti xaadirkan ay muhiim tahay inuu ku dhawaaqo sida ay u kala horeeyaan ciyaartoydani, kuwaas oo mid walba ay ku caddahay war-bixinta goolasha uu dhalliyey.

Haddaba saamayn noocee ah ayuu finalka koobka Sonyo Cup 2020 ku yeelan karaan tartanka gool dhalinta koobkan?

Xidiga ilaa hadda ugu samaynta badan tartankan Sonyo Cup ee Bahdoon Axmed Bahdoon oo ka ciyaara kooxda wasaarada horumarinta maaliyada ayaa ah kan hogaaminaya gool dhalinta koobkan wuxuuna shan kulan ku soo dhaliyay shan goollaakiin waxa uu goolal la wadaagaa Khadiir Mustafe Maxamed oo isna shan gool soo dhaliyay laakiin kooxdiisa dawlada Hoose ee Hargaysa ayaa koobkan laga reebay taas oo bahdoon ahmiyada wayn siinaysa.

Jamaal Axmed Cabdi (Chicharito) oo u ciyaara kooxda Maaliyada iyo xidiga kooxda Gaashaan ee Caadil Good Hurre ayaa Bahdoon halis ku haya maadaama oo ay finalka koobkan iskeenayaan iyaga oo min 4 gool soo dhaliyay.

Gool-dhallinta Tartanka SONYO CUP 2020:

1. Bahdoon Axmed Bahdoon (Mario)
– Wasaaradda Maaliyadda
– Number = 99
– Games = 5
– Goals = 5

2. Khadiir Mustafe Maxamed
– D.H.Hargeysa
– Number = 20
– Games = 5
– Goals = 5

3. Cabdalle Cumar Maxamed (Cabbo)
– Wasaaradda Maaliyadda
– Number = 17
– Games = 5
– Goals = 4

4. Caadil Good Hurre
– Gaashaan
– Number = 7
– Games = 5
– Goals = 4

5. Jamaal Axmed Cabdi (Chicharito)
– Was. Maaliyadda
– Number = 77
– Games = 5
– Goals = 4

6. Caydaruus Cabdilaahi Cali (Cayto)
– Gaashaan
– Number = 11
– Games = 5
– Goals = 3

7. Axmed Cali Nuur (Carrabo)
– Was. Ganacsigga
– Number = 19
– Games = 3
– Goals = 3

8. Cabdifataax Axmed Cali (Ganto)
– Was. Caafimaadka
– Number = 9
– Games = 3 games
– Goals = 3

9. Cabdicasiis Cabdalle Cali
– DP World Berbera
– Number = 7
– Games = 3
– Goals = 3

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.