RASMI: Jurgen Klopp Oo Ka Maqan & Liiska Shan Tababare Oo Ku Tartami Doona Macalinkii Ugu Fiicnaa Premier League Bishan July

Maamulka Premier League ayaa ku dhawaaqay magacyada shan tababare oo ku tartami doona abaalmarinta macalinkii ugu wanaagsanaa horyaalkaas bishan July ee dhammaadka ah xilli Axadii toddobaadkan tartanka lasoo af-meeray.

Liiskan tababarayaasha ah ayaa kala ah Jose Mourinho, Pep Guardiola, Ole Gunnar Solskjaer, Ralph Hassenhutl iyo David Moyes.

July's Barclays Manager of the Month contenders

Pep Guardiola oo raadinaya abaalmarintan markiisii ugu horreysay xilli ciyaareedkan ayaa toddoba kulan oo uu kooxdiisa bishaas hoggaamiyay lix guulood iyo hal guuldarro ka haysta waxaana kamid ah guulihiisa kulankii ay 4-0 kaga soo adkaadeen Liverpool.

Hassenhult ayaa isaguna markiisii ugu horreysay abid abaalmarintaas doonaya, lix kulan oo uu kooxdiisa Southampton hoggaamiyay July ayaysan gabi ahaanba wax guuldarro ah soo arag iyagoo saddex guulood iyo saddex bar-bardhac haysta.

Sidoo kale Jose Mourinho ayaa toddoba kulan kaddib 4 guulood, hal guuldarro laba bar-bardhac kusoo helay Tottenham bishaas waxaana laga xusi karaa guul weyn oo North London Derby ahayd oo uu kasoo hooyay kooxda Arsenal.

Tababare David Moyes oo West Ham United ka badbaadiyay heerka labaad ayaa toddoba kulan oo uu bishaas hoggaamiyay saddex guulood, saddex bar-bardhac iyo hal guuldarro lasoo kulmay waxaana laga xusi karaa guulo uu ka keenay Chelsea, Watford, Norwich iyo bar-bardhac uu Man United lasoo galay.

Ugu dambayn, Solskjaer oo abaalmarinta markiisii labaad abid raadinaya ayaa lix kulan oo uu Man United horkacay afar jeer soo guuleystay halka uu laba mar bar-bardhac soo galay waxaana ugu muhiimsanayd guushii 2-0 ka ahayd ee ay maalintii ugu dambaysay ka gaadheen Leicester City kagana xaadireen Champions League.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.