RASMI: Isbeddello Waaweyn Oo Lagu Sameeyey Tartamada FA Cup & EFL Cup – Akhriso Lacagta Ay Kooxuhu Ku Helayaan Wareeg Kasta Oo FA CUP Ah

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa isbeddelo ku sameeyey qaabkii loo ciyaari jiray tartamada FA Cup iyo EFL Cup (Carabao Cu) xili ciyaareedka 2020-21 si loo yareeyo culayska maadaama fasal ciyaareedku waqti dambe bilaabmayo.

Xidhiidhku waxa uu meesha ka saaray kulamadii labada lugood ahaa oo laga dhigay kaliya hal ciyaar oo kooxuhu ku kala bixi doonaan, halka tartanka Carabao Cup lasoo qaddimayo oo wareeggiisa afraad la la dhamaystiri doono dhamaadka bisha September ee foodda inagu soo haysa.

semi-finalka Carabao Cup oo hore loo ciyaari jiray laba lugood ayaa isagana lagu koobayaa hal ciyaar oo kaliya, waxaana lagu dari doonaa waqti dheeraad ah iyadoo kooxaha barbarraha ku dhamaystana lagu kala saari doono rikoodheyaal.

Tartanka FA Cup ayaa faa’iido badan ay kooxuhu ka heli doonaan, waxaana wareeg walba lagu bixin doonaa lacago la mid ah kuwii ay heleen xili ciyaareedkii 2017-18, taas oo uga badan doonta middii ay heli lahaayeen haddii fasal ciyaareedka sidiisa loogu qaybiyo, sababtoo ah, caabua Korona ayaa hoos u riday dakhliga.

Tartanka Carabao Cup oo ay ka qayb-geli doonaan kooxaha tartamada Champions League iyo Europa League ayaa isagana la bilaabi doonaa bisha October, iyadoo isku-aadkana tartankanna la samayn doono August 18.

Finalka FA Cup ayaa loo qorsheeyey in la ciyaaro May 15.

Halkan kaga bogo lacagta ay kooxaha tartanka FA Cup ku heli doonaan wareeg kasta:

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.