RASMI: Garsooraha Loo Doortay Finalka FA Cupka Chelsea Vs Arsenal Oo 119 Sano Kadib Taariikh Cusub Samaynaya Iyo Arsenal Oo Ay Farxad U Tahay.

Kooxaha Arsenal iyo Cheslea ayaa haddaba si rasmi ah u ogaaday garsooraha Wembley Stadium ku dhex dhexaadin doona finalka koobka FA Cupka  laakiin garsoorahan ayaa 119 sano kadib waxa uu dhigi doonaa taariikh cajiib ah.

Waxaa kulanka Arsenal iyo Chelsea ee finalka FA Cupka loo magacaabay garsoore Anthony Taylor wuxuuna noqon doonaa garsoorihii ugu horeeyay ee muddo 119 sanadood ah dhex dhexaadin doona laba kulan final oo FA Cupka ee waayihiisa garsoorenimo.

Laga soo bilaabo 1901 dii muu jirin hal garsoore oo soo dhex dhexaadiyay laba kulan final oo FA Cupka ah laakiin garsoore Anthony Taylor ayaa diwaanka taariikhdan badali doona marka uu qabto finalka koobkan ee kooxaha Chelsea iyo Arsnenal.

Garsoore Anthony Taylor ayaa hore u soo dhex dhexaadiyay finalkii koobka FA Cupka ee sanadkii 2017 kii wuxuuna u dhexeeyay isla kooxaha Arsenal iyo Chelsea waxaana markaas koobka FA Cupka ku guulysatay kooxda Arsenal.

Waxayna taariikhdani farxad galinaysaa jamaahiirta kooxda Arsenal oo rajaynaya in taariikhdu ay markale dib isku qori doonto oo ay Wembley Stadium koobkan kaga qaadi doonaan Chelsea.

Finalkii koobka FA Cupka ee uu hore u soo dhex dhexaadiyay garsoore Anthony Taylor ee 2017 kii waxay Arsenal guul ku gaadhay 2-1 laakiin markiisa labaad ee uu isla kooxahan u qaban doono finalka FA Cupka waxay noqon doontaa markii ugu horaysay ee uu garsoore laba kulan final oo FA Cupka qabtay muddo 119 sanadoo ah.

Finalka FA Cupka ee kooxaha Chelsea iyo Arsenal waxaa la ciyaari doonaa maalinta sabtida ee August 1,2020 marka ay saacada geeska Afrika tahay 7;30 fiidnimo ee saacada geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, garsoore Anthony Taylor ayay taariikh layaableh u noqon doontaa marka uu qabto finalka FA Cupka ee kooxaha Chelsea iyo Arsenal isaga oo 119 sano kadib noqon doona tababarihii ugu horeeyay ee waayihiisa laba kulan final oo FA Cupka dhex dhexaadin doona.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.