RASMI: Garsooraha Kulanka Man City vs Real Madrid Oo La Shaaciyay & Xusuusaha Kala Geddisan Ee Uu Madrid Ku Leeyahay

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay garsooraha dhex-dhexaadin doona kooxaha Manchester City iyo Real Madrid kulanka ka tirsan wareega 16-ka ee UEFA Champions League ee Jimcaha ka qabsoomaya Etihad Stadium.

Kulanka u dhaxayn doona Sky Blues iyo Los Blancos ayaa ah midka la wada sugayo toddobaadkan iyadoo la eegi doono kooxda wareega siddeed dhammaadka ee CL tigidhkeeda u goosata xilli lugtii hore ay 1-2 kusoo adkaatay City.

Garsooraha kulanka Etihad loo xilsaaray ayaa ah ninka ree Germany ee Felix Brych kaas oo xusuuso hore oo kala duwan kusoo yeeshay kooxahan gaar ahaan Real Madrid.

Kulanka qalbi jabka kusoo ahaa dhammaan jamaahiirta Real ee uu Brych dhex-dhexaadiyay ayaa ahaa midkii xilli ciyaareedkii hore ay kaga hadheen isla Champions League markaas oo ay Ajax 4-1 ugaga adkaatay Santiago Bernabeu.

Kahor kulankaas Ajax, Real Madrid ayaan wax guuldarro ah lasoo kulmin kulan uu Brych garsoore ka ahaa iyagoo lix kulan guulo soo gaadhay laba kalena bar-bardhac soo galay siddeed kulan dhexdood.

45 sano jirkan ree Germany ayaa soo ahaa garsoore heer caalami ah tan iyo sanadkii 2007 waxaana uu soo qabtay Final-kii Champions League ee 2017 oo xusuus gaar ah ku leh Real Madrid oo kulankaas koobka 4-1 kaga qaaday Juventus.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.