RASMI: Dadkii Min Caaridka Ku Ahaa Sacuudi Carabia Oo Guulaystay Iyo Heshiiskii Newcastle United Oo Gabi Ahaanba La Kansalay.

Dadkii min caaradka ku ahaa mashruuca ay maal qabeenada Sacuudi carabia ay ku doonayeen iibka kooxda Premier League ee Newcastle United ayaa si buuxda u guulaystay kadib markii ay gabi ahaanba maal qabeenada Saudi Arabia ka laabteen hamigoodii kooxda Newcastle United.

Shirkada maalgashiga ee dolwada Sacuudi Areebiya ayaa ka baxday heshiiskii seddexda boqol milyan ginni ee ay ku iibsanayeen kooxda Premier League ka dhisan ee Newcastle United.

Shirkada oo uu hogaamiyo amiirka Sacuudiga Mohammed Bin Salman ayaa sugeysay in loo ogolaado inay la wareegaan kooxda laakiin haatan gabi ahaanba waa ay ka baxeen heshiiska.

Warbixin ay baahisay shirkada ayaa u qorneyd sida tan: “Inagoo si weyn ugu mahadcelineysa bulshada Newcastle iyo kooxdeeda weyn ee kubada cagta, waxaan gaarnay go’aan ah inaan ka baxno heshiiskii aan kula wareegeynay kooxda Newcastle United Football Club.

“Anagoo ka qoomameyneyna ayaan gaarnay go’aankaan, madaama aan ku faraxsaneyn inaan maalgashi ku sameysano magaalada weyn ee Newcastle, waxaana aaminsaneyn inaan kooxda ku soo celin laheyn booskeedii taariikhda, dhaqankeeda iyo xamaasadii taageerayaasha,.

“Madaama uu dheeraaday waqtiga heshiiska waxaa dhacay heshiiskii ay gaareen shirkada iyo miilkiilayaasha kooxda, sidaasi darteed qorshihii aan gudbinay ma ahan mid jira haatan.”

Go’aanka ay dowlada Sacuudiga uga baxday heshiiska Newcastle ayaa ah cadaadis maamulka Premier League lagu saaray inaysan aqbalin heshiiska iyadoo olole gaar ah ay weyday xaaskii uu ka geeriyooday Alaha u naxariisteen suxufiga Jamal Kashogi.

Jamal Kashogi ayaa lagu dhex dilay safaarada Sacuudiga ku leeyahay Turkiga sannadkii la soo dhaafay xilli uu warqad guur ka doontay safaarada, waxaa dilkiisa lagu eedeeyay amiirka Sacuudiga Mohammed Bin Salman.

Gabadha uu ka geeriyooday Jamal Kashogi ayaa ugu baaqeysay Premier League inaysan aqbalin heshiiska dowlada Sacuudiga ay kula wareegeyso Newcastle madaama uu Mohammed Bin Salman uu yahay gacan ku dhiigle dilay ninkeeda.

Sidoo kale cadaadis ayaa ka imaanayay shirkada beIN Sports ee laga leeyahay dalka Qatar kuwaasoo heysta xuquuqda baahinta Premier League ee Bariga Dhexe.

Madaama dalalka Sacuudiga iyo Qatar uu xiriirkoodii go’ay Sacuudiga ayaa sameystay kanaal u magac eg beIN Sports iyagoo baahinayay kulamada Premier League ee ay baahiso beIN Sports taasoo ah ku xadgudub dhanka xuquuqda lahaanshaha.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.