RASMI: Bayern Munich vs Sevilla – Waqtiga & Goobta Lagu Ciyaari Doono UEFA Super Cup Oo La Shaaciyey

Kooxaha kusoo guuleystay koobabka Champions League iyo Europa League ee Bayern Munich iyo Sevilla ayaa isku haleeli doona koobka UEFA Super Cup, kaas oo soo labada kooxood midkood ay ku darsan doonto liiska koobabka ay xili ciyaareedkan kusoo guulyesteen.

Bayern Munich ayaa xili ciyaareedkan soo dhigtay taariikh, waxaanay kusoo guuleysatay dhamaan tartamadii ay ka qayb-gashay oo kala ah saddex koob oo waddanka Jarmalka ah iyo Champions League, laakiin Sevilla ayaa iyadu Inter Milan ku garaacday finalka Europa League oo markeedii lixaad ay gacanta ku dhigtay.

UEFA Super Cup oo ay wada ciyaaraan labada kooxood ee kusoo guuleysta Champions League iyo Europa League ayaa shir ay yeesheen xubnaha UEFA ee 55ka ah waxay ku go’aamiyeen in lagu tijaabiyo taageereyaal oo loo ogolaado inay garoonka soo galeen, waxaana suurtogal ah inay noqoto ciyaartii ugu horreysay ee koob ah ee muddo kaddib ay daawadeyaal fadhiistaan gudaha garoonka.

Shirka UEFA oo dhacay July 19, waxa la iskula eegay suurtogalnimada waxyaabaha macquulka ka dhigaya in daawadeyaashu ay soo galaan garoonka iyo sida loo ilaalinayo shuruucda badqabka caafimaadka.

Magaalada Budapest ayaa sannadkan martigelin doonta ciyaarta koobka ah ee UEFA Super Cup, waana isla magaaladii ay Sevilla sannadkii 2006 ku qaadday Koobkan iyadoo ku garaacday Barcelona.

Kulankan ayaa la go’aamiyey in la ciyaaro bisha dambe xilli ay socdaan dhamaan horyaallada kala duwan ee waddamadu, waxaanay Bayern Munich iyo Sevilla kulmi doonaan September 24.

Labada kooxood mar kaliya ayay taariikhda casriga ah iska hor yimaaddeen, waxaanay ahayd wareeggii siddeedda tartanka Champions League ee xili ciyaareedkii 2017/18, waxaana 2-1 ku badisay Bayern Munich isku-darka labadii lugood.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.