RASMI: Bayern Munich Oo Seddex Saxiiix Oo Waa Weyn Sameysay Maanta & Suuqa Kala Iibsiga Jarmalka Oo Xirmay

Bayern Munich ayaa dhameystirtay saxiixa 28 jirka daafaca Faransiiska Bouna Sarr oo ay kala soo wareegeen kooxda Marseille.

Sarr ayaa heshiis joogta ah ugu wareegay kooxda heysata koobka Champions League iyadoo lagu soo iibsaday lacag gaareysa 10 milyan ginni.

Waa saxiixii seddexaad oo ay Bayern Munich sameyso maanta oo ah maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga Yurub iyadoo suuqa kala iibsiga Jarmalka uu haatan xirmay.

Bayern Munich waxay sidoo kale maanta heshiis amaah ah kula soo wareegtay Douglas Costa oo kooxda ku soo laabtay kana soo tagay kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus.

30 jirkaan ayaa ku soo laabanaya kooxda ka dib labo sannadood uu joogay Turin halkaasoo uu boos joogta ah ka waayay.

Saxiixa seddexaad ee ay Bayern Munich maanta sameysay waa Eric Maxim Choupo-Motin kaasoo si xor ah uga soo wareegay kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain ka dib labo sannadood uu joogay caasimada Faransiiska.

Choupo-Moting oo u soo ciyaaray Stoke City ayaa haatan nasiib u yeeshay inuu ku biiro kooxda heysata koobka Champions League.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.