RASMI: Barcelona Oo Shaacisay Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka Bayern, Laba Xiddig Oo Soo Laabtay & Haddii Uu Dembele Kusoo Baxay

Tababare Quique Setien ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb galaya kulanka adag ee muhiimka ah ee ay la yeelan doonaan dhigooda Bayern Munich ee qaybta ka ah wareega siddeeda ee Champions League.

Barcelona ayaa dib u heshay qaar kamida xiddigaha muhiimka ah ee kooxdeeda kuwaas oo maqnaa ciyaartii ay wareegii hore kaga soo gudbeen ee ay guusha kasoo gaadheen Napoli.

Xiddigaha soo laabtay ayay hormood u yihiin Sergio Busquets iyo Arturo Vidal oo labaduba ku maqnaa ganaaxyo kulankii Napoli, soo laabashadooda ayaa ah mid sii xoojinaysa safka kooxda gaar ahaan booska khadka dhexe ee ay ka ciyaaraan.

Sidoo kale liiskan ayuu kusoo baxay Ousmane Dembele oo dhaawac ku maqan balse aan wali helin xaqiijin caafimaad oo uu kaga hortagi karo Bayern, si lamid ah sagaal kamida da’yarta Barca B ayaa wicitaan helay ciyaartan.

Ugu dambayn, waxa sidoo kale safkan uu magacaabay Setien ka dhex maqan xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo kaas oo ay isku dhacsan yihiin kooxda muddooyinkii ugu dambeeyay.

Liiska Oo Sawir Ah

Image

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.