RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka Girona Ee Caawa & Haddii Ay Kusoo Baxeen Pjanic Iyo Suarez

Tababare Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb galaya kulanka ay caawa la ciyaari doonto kooxda ay Catalonia ka wada tirsan yihiin ee Girona kulan saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayaan xilli  ciyaareedka 2020-21.

Kabtanka kooxdaas ee Lionel Messi ayaa kusoo baxay liiska xulashada Koeman si lamid ah xiddigaha kale ee Gerard Pique iyo Philippe Coutinho.

Weeraryahan Luis Suarez ayaa gabi ahaanba markale ka maqan liiska kooxda uu soo xushay macalinka ree Holland kulankii labaad oo xidhiidh ah taas oo caddayn kale u ah sida uusan mustaqbal ugu lahayn kooxdaas.

Sidoo kale saxeexa cusub ee Blaugrana ee Miralem Pjanic ayaa isna ka maqan liiskan maadaama oo uusan samayn tirada tababarada ugu yar ee loo baahan yahay si uu kulan u ciyaaro.

Liiska Oo Dhammaystiran

Image

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.