RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Lambarada Kooxdeeda Ee 2020-21, Layaab Ka Taagan Lambarkii Suarez & Kuwa Saxeexyada Cusub

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday liiska lambarada kooxdeeda ee ay ciyaaryahanadeedu xidhan doonaan xilli ciyaareedkan 2020-21 kaddib markii isku shaandhayn lagu sameeyay safkii ay kaga soo baxeen 2019-20 oo ay qaab foolxun ku dhammaysteen.

Barcelona ayaa markii ugu horreysay mudo 13 sano ah koob la’aan baxday xilli ciyaareedkii hore iyagoo sidoo kale qaabkii ugu xumaa ee ugu macquulsanaa kaga hadhay UEFA Champions League oo ay Bayern Munich ka cidhib tirtay.

Image

Liiskan tirooyinka ah ee ay soo saartay Barcelona ayuu No.2 dhaxlay saxeexa cusub ee Sergino Dest halka saxeexa kale ee Miralem Pjanic isaga horeba loogu gacan geliyay No.8 oo uu xidhanayay Arthur Melo.

Layaabka ugu weyn ayaa ah in No.9-kii uu ka tagay Luis Suarez la siiyay weeraryahanka Camp Nou gudaha sanadkan yimid ee Martin Braithwaite.

Sidoo kale xiddigaha da’yarta ah ee Riqui Puig, Ronald Araujo iyo Matheus Fernandes ayaa dhammaantood helay tirooyin kooxda koowaad ah iyagoo la kala siiyay 12, 4 iyo 19 sida ay u kala horreeyaan.

Tirooyinka Oo Dhan

Image

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.