RASMI: Ayaa Iska Celin Karaya- UEFA Oo Ku Dhawaaqday Shaxda Kooxdii Xili Ciyaareedkan Ugu Fiicnayd Tartanka Champions league.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay shaxda kooxdii ugu fiicnayd tartanka Champions League oo 24 saacadood ka hor ay kooxda Bayern Munich ku guulaysatay kadib markii ay garaacday kooxda PSG.

UEFA ayaa soo saartay shaxda 11 kii xidig ee ugu fiicnaa xili ciyaareedkan Champions League ee dhibcaha ugu badan looga helay Fantasy Football.

Dhibcihii ciyaartoydii ugu shaqada fiicnaa xili ciyaareedkan looga soo helay Fantasy Football ayay UEFA u aqoonsatay kuwii ugu fiicnaa tartankan.

Saddex ciyaartoy oo kaliya oo aan ka tirsanayn Bayern Munich iyo PSG ayaa shaxdan ka soo muuqday waxayna kala yihiin Raheem Sterling oo Man City ka tirsan, xidiga kooxda RB Leipzig ee Marcel Sabitzer iyo Erling Braut Haaland oo Borussia Dortmund u ciyaara.

Bayern Munich oo koobka Champions League ku guulaysatay ayaa shaxda kooxda ugu fiicnayd Champions League waxaa ugu jira afar ciyaartoy laakiin kooxda koobkan laga qaaday ee PSG ayaa sidoo kale afar ciyaartoy shaxdan ku yeelatay.

Goolhayaha kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer oo shaqo layaableh soo qabtay ayaa goolka ugu jira shaxda kooxdii xili ciyaareedkan ugu fiicnayd Champions League.

Halkan kaga bogo shaxda kooxdii xili ciyaareedkan ugu fiicnayd Champions league

Image

Goolhaye

Manuel Neuer (Bayern) – 50 points

Difaacyada

Joshua Kimmich (Bayern) – 68 points

Marquinhos (Paris) – 70 points

Presnel Kimpembe (Paris) – 57 points

Juan Bernat (Paris) – 70 points

Khadka Dhexe

Serge Gnabry (Bayern) – 79 points

Ángel Di María (Paris) – 59 points

Marcel Sabitzer (Leipzig) – 60 points

Raheem Sterling (Man. City) – 61 points

Weerarka

Erling Braut Haaland (Dortmund) – 56 points

Robert Lewandowski (Bayern) – 104 points

Robert Lewandowski oo ku guulaystay tartankii gool dhalinta Champions League oo uu 15 ku dhamaystay iyo Erling Braut Haaland oo 10 gool soo dhaliyay ayaa weerarka hogaaminaya laakiin sidoo kale waxaa shaxdan ku jira Gnabry oo 9 gool soo dhaliyay.

Image

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo xili ciyaareedkan si murugo leh kaga hadhay Champions League ayaan shaxda UEFA ee tartankan ka soo muuqan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.