RASMI: Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Liiska Europe League Ee Ay Jamaahiirtu Sugayeen & Haddii Uu Arteta Waayaha Mesut Ozil Soo Af-Meeray

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb qaadan doona tartanka UEFA Europe League isagoo kasoo tagay saddex ciyaaryahan oo waaweyn.

Arteta ayaa gaadhay go’aan culus waxaana uu liiska ka reebay Mesut Ozil oo dad badani u arkaan in wakhtigiisii kooxdu soo dhammaaday, si lamid ah daafaca dhexe ee Sokratis iyo saxeexa cusub ee Willian Saliba.

In laga soo tagay xiddiga kooxda ugu mushaharka badan oo ah Ozil ayaa muujinaysa heerka uu Mikel Arteta ka taagan yahay mustaqbalkiisa kooxda xilli qandaraaskiisa Emirates Stadium uu yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan.

In saxeexii maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga ee Thomas Partey lagu soo daray liiskan ayaa ka dhigan in 19 ciyaaryahan oo aan kasoo bixin akaademiga Gunners ay ku jiraan liiskan oo 25 ciyaaryahan ka kooban.

Liiska Oo Dhammaystiran

Goolhayayaasha: Bernd Leno, Runar Runarsson, Matt Macey, James Hillson, Dejan Iliev

Daafacyada: Hector Bellerin, Gabriel, Rob Holding, Cedric Soares, Shkodran Mustafi, Calum Chambers, Pablo Mari, David Luiz, Sead Kolasinac, Kieran Tierney

Khadadka Dhexe: Dani Ceballos, Willian, Ainsley Maitland-Niles, Thomas Partey, Mohamed Elneny, Granit Xhaka

Weeraryahanada: Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang, Nicolas Pepe

Reiss Nelson, Bukayo Saka, Joe Willock iyo Emile Smith Rowe ayaa iyagana dhammaantood liiskan loogu daray ka xiddigaha kasoo baxay akaademiga Arsenal ahaan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.