Rashford, Martial Mise Greenwood? Halyeey Rio Ferdinand Oo Sheegay Xiddiga Man United Ee Faa’idada Ugu Badan Ku Qaba Imaatinka Edinson Cavani

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday xiddiga kooxdiisii hore k tirsan ee faa’idada ugu badan ku qabi doona in Edinson Cavani ay maalintii suuqa ugu dambaysay la saxeexatay United.

Dhaliyaha ree Uruguay ayaa Man United ugu soo biiray heshiis hal sano ah oo sanadka labaadna uu yahay mid dookh ah oo loogu dari karo kaddib markii uu heshiiskiisii Paris Saint-Germain dhacay bilooyin kahor.

33 sano jirkan ayaa rekoodh cajiib ah ku haysta PSG oo uu ka yahay xiddiga abid taariikhdeeda ugu goolasha badan kaddib markii uu 200 gool tartamada oo dhan ugu soo dhaliyay 301 ciyaarood.

Haatan Rio Ferdinand ayaa aaminsan in xiddiga Man United ee inta ugu badan ka faa’idaysan doona khibrada Edinson Cavani uu yahay 19 sano jirka kooxdaas ee Mason Greenwood oo 18 gool ilaa hadda kusoo qortay akoonkiisa Manchester.

Rio oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan idhi suuqii hore inuu yahay mid kamida ciyaaryahanada aan calaamadin lahaa si aan usoo iibsado”

“Waxaanu haysanaa saddex weeraryahan oo yar yar oo hibada ugu sarreysa leh kuwaas oo u baahan doona caawimo”

“Martial ayaa ah tusaale sarre, waa uu ganaaxnaanayaa (Kaddib casaankii uu qaatan kulankii Tottenham), waxaad u baahantahay qof booskiisa buuxiya”

“Waxaan filayaa in Cavani awoodo badan ku haboonaan doono, Mason ayaa noqon doona midka inta ugu badan ka faa’idi doona, inuu fadhiisto oo uu daawado qof isaga oo kale ah maalin kasta, sida uu u diyaar garoobo, sida uu usoo kabto, sida uu u tababarto, adayga heerarka uu toddobaadkii ku tababarto”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.