RAG Shaqaystay!! – 14-ka Ciyaartoy Ee Lacagta Ugu Badan Helay 2020, Midka Sarreeya Ronaldo Iyo Messi & Kooxda Ugu Badan

Saamayntii uu yeeshay caabuqa Korona ayay suurogal tahay inuu dhibaato ku keenay dhaqaalaha kubadda cagta guud ahaan, laakiin xiddigaha ugu wanaagsan dunida ayaan wali ahayn kuwo lacag yaraani soo food-saartay.

Qaar kamida tirooyinka ay lacag ahaan u helaan xiddigaha kubadda cagtu ayaa ah wax maad leh, in mushaharaadka toddobaadlaha ahi ay noqdaan lix tiro oo ay Malyan gaadhaan ayaan wax layaab leh noqon doonin.

Go’aankii ay dhawaan Arsenal shaqada kaga caydhisay 55 kamida shaqaalaha kooxdeeda kahor intii aysan la saxeexan Willian Borges oo 220 kun oo Pound mushahar u qaata toddoaadkii ayaa noqday mid muran badan dhaliyay.

Hay’ada qiimaynta ku samaysa dhaqaalaha soo gala xiddigaha ciyaaraha gaar ahaan kubadda cagta ee Forbes ayaa soo saartay lacagihii soo galay xiddigaha kubadda cagta min 1 June 2019 ilaa 1 June 2020 taas oo ka dhigan in qiimayntani timid xilligii uu ugu saamaynta badnaa ee uu jirayba xanuunka Korona.

Lacagahan ay Forbes qiimaysay ee ay xiddigaha kubadda cagta dakhligoodii sanadkaas ku sheegayso ayaa ka kooban lacag abaalmarin ah, mushaharaad iyo lacago gunnooyin ah.

Ronaldo ayaa liiskan ku garaacay dhigiisa Lionel Messi balse kaliya 1 Milyan Pound kaga gacan sarreeya, Neymar JR ayaa booska saddexaad soo galay, Mohamed Salah ayaa si layaab leh afraad ugu jira halka Kylian Mbappe uu shanta sarre dhammaystiray.

Halkan Kaga Boggo 14-ka Xiddig Ee Kaga Jira Kubadda Cagta 100-ka Xirfadle Ciyaareed Ee Mudadaas Lacagta Ugu Badan Helay.

14. Sergio Ramos (Real Madrid) – $21.8million oo Dollar (£16.5million oo Pound)

13. Gareth Bale (Real Madrid) – $25.2m (£19m)

12. Alexis Sanchez (Inter Milan) – $25.6m (£19.3m)

11. David de Gea (Manchester United) – $25.7m (£19.4m)

10. Antoine Griezmann (Barcelona) – $26.7m (£20.2m)

9. Oscar (Shanghai SIPG) – $27.5m (£20.8m)

8. Paul Pogba (Manchester United) – $28.5m (£21.5m)

7. Mesut Ozil (Arsenal) – $28.7m (£21.7m)

6. Andres Iniesta (Vissel Kobe) – $29.6m (£22.4m)

5. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain) – $33.8m (£25.5m)

4. Mohamed Salah (Liverpool) – $35.1m (£26.5m)

3. Neymar (Paris Saint-Germain) – $95.5m (£72.2m)

2. Lionel Messi (Barcelona) – $104m (£78.7m)

1. Cristiano Ronaldo (Juventus) – $105m (£79.4m)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.