Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Liverpool & Burnely – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

Si aan looga baran ayaa Liverpool lagu jahwareeriyay maanta garoonka Anfield. Reds ayaa 24 kulan oo isku xigta ku badisay garoonkeeda horyaalka laakiin rikoodhkaas guulaha waa laga jabiyay maanta madaama ay barbaro 1-1 ah la galeen Burnley.

Laakiin waxaa weli u taagan rikoodhka aan looga badinin garoonkeeda kulan horyaalka ah iyagoo haatan sii maraya kulankii 58aad oo isku xigta.

Reds ayaa weli ceyrsaneysa rikoodh kale oo weyn iyagoo doonaya inay noqdaan kooxdii ugu horeysay ee in ka badan 100 dhibcood ku qaaday horyaalka Ingariiska ee Premier League.

Waxay haatan leeyihiin 93 dhibcood iyadoo ay u harsan tahay seddex kulan, waxayna doonayaan inay jabiyaan rikoodhka ay heystaan kooxda Man City oo ah kooxda kaliya ee horyaalka ku qaaday 100 dhibcood.

XIDDIGA GAROONKA

Nick Pope (Burnley). Rodriguez ayaa helay goolka barbaraha ee Burnley, laakiin goolhaye Nick Pope ayaa ah qofka u qalma amaanta ugu badan. Goolhayaha Burnley waxa uu sii dhistay sumcadiisa isagoo sameeyay badbaadino badan oo fantastik ah, isaga kaligiis ayaa la ciyaaray Liverpool qeybtii ugu horeysay ee ciyaarta.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

LIVERPOOL: Alisson 6, Williams 7, Gomez 7, Van Dijk 7, Robertson 8, Fabinho 8, Wijnaldum 7, Jones 7, Firmino 7, Mane 7, Salah 7.

Bedel: Alexander-Arnold 7, Keita 6, Oxlade Chamberlain n/a.

BURNLEY: Pope 9, Bardsley 7, Tarkowski 8, Long 8, Taylor 7, Pieters 6, Brownhill 6, Westwood 7, McNeil 7, Rodriguez 7, Wood 6.

Bedel: Gudmundsson 7, Vydra 6.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.