Qiimaynta Ciyaartoyga Kulankii Man United & Southampton – Xiddigii Garoonka Iyo Laacibkii Ugu Liitay Red Devils

Manchester United ayaa iska lumisay fursad ay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League ku geli lahayd, waxaanay barbar-dhac 2-2 ah la galeen Southampton oo ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ka dhalisay goolka barbarraha.

Ciyaartan oo ay garoonka fadhiyeen Sir Alex Ferguson iyo Ed Woodward oo doonayay inay la dabbaal-degaan ciyaartoyda Manchester United marka ay galaan kaalinta saddexaad, ayaa niyad jab kaga baxay garoonka oo madhan.

Manchester United 130720zy

Southampton ayaa daqiiqaddii 12aad ee ciyaarta gool  la hormartay, waxaase ka jawaabtay United oo daqiiqadihii 20aad iyo 23aad ayay laba gool u kala dhaliyeen Rashford iyo Martial, laakiin waxa jiray gool kale oo Red Devils laga diiday oo offside ahaa oo ka horreeyey labadan.

Michael Obafemi oo beddel kusoo galay ciyaarta daqiiqaddii 87aad ayaa Southampton u dhaliyey goolka guusha daqiiqaddii 96aad xilli uu garsooruhu isku diyaarinayo inuu afuufo siidhiga dhamaadka.

Red Devils waxay ku negaatay booskeedii 5aad iyadoo ka faa’iidaysan kari weyday Leicester oo ay hadda min 59 dhibcood haysataan, kagana horreysa farqiga goolasha iyo Chelsea oo hal dhibic kasii sarraysa, kuna jirta kaalinta saddexaad.

Xiddigii garoonka

Weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo kubbad uu u dhigay Rashford ay United ku heshay goolka koowaad iyo midka labaad oo uu isagu dhaliyey ayaa loo doortay xiddiga garoonka.

Anthony Martial waxa goolkiisani uu ahaa midkii 50aad ee uu ka dhaliyey Premier League intii uu ka ciyaarayay, waxaanu helay qiimayntii ugu sarraysay kulanka oo ahayd 8.

Laacibkii ugu liitay Manchester United

Labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee Pogba iyo Fernandes ayaa si fiican u ciyaaray qaybtii hore laakiin waxay kubbado badan lumiyeen markii ay Southampton soo noolaatay iyadoo Pogba laga qaatay goolka hore ee Saints hoggaanka ku qabatay.

Pogba waxa uu lumiyey 16 kubbadood, waxase uu dhaamay Fernandes oo 17 kubbadood khasaariyey. Laakiin labadoodu may ahayn kuwa ugu liita Red Devils, waxaana ka hooseeyey Nemanja Matic oo helay qiimayntii ugu hoosaysay ee ciyaarta oo ahayd 6.

Laba ciyaartoy oo Southampton ah ah ayaa iyaguna helay min 6 qiimayntii ciyaarta, waxaanay ahaayeen Ings iyo Adams.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Manchester United: De Gea (7), Wan-Bissaka (6), Shaw (7), Maguire (7), Lindelof (7), Matic (6), Pogba (7), Fernandes (7), Martial (8), Greenwood (6), Rashford (7).

Beddelka: Fred (6), Williams (6), James (n/a), McTominay (n/a).

Southampton: McCarthy (7), Walker-Peters (6), Bertrand (7), Stephens (7), Bednarek (7), Romeu (6), Ward-Prowse (7), Redmond (7), Armstrong (7), Adams (6), Ings (6).

Beddelka: Long (6), Smallbone (6), Obafemi (n/a).

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.