Qiimaynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Waalida Ahaa Ee Everton vs Liverpool & Xiddigaha Bandhiga Weyn Soo Sameeyay

Kooxaha Liverpool iyoo Everton ayaa bar-bardhac ku kala baxay kulan xiiso badan isla markaana muran badan lahaa oo labada dhinac ku dhex maray Goodison Park, natiijaa 2-2 ah ayaa ka dhigan inay Everton hoggaanka 14 dhibcood ku hayso halka Liverpool ay 10 dhibcood booska 2-aad ku timid.

Sadio Mane ayaa goolka furitaanka u keenay Reds kahor inta uusan kansalin Michael Keane oo madax galay, Mohamed Salah ayaa markale qaybtii dambe hoggaanka usoo celiyay xiddigaha Jurgen Klopp balse Dominic Calvert-Lewin ayaa diiday inuu Ancelotti guuldarraysto.

Dhacdooyinka kale ee waaweyn ee kulankaas ayay kamid ahaayeen in Richarlison casaan ku qaatay Thiago daqiiqadihii ugu dambeeyay halka daqiiqadii dhimashada gool uu Henderson u dhaliyay Liverpool ay VAR ka beenisay.

Waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa qiimaynta xiddigihii kulankaas oo uu sameeyay wargeyska Mirror, Everton ayay qiimayn ahaan ugu sarreeyeen Michael Keane, Lucas Digne, Allan, James Rodriguez iyo Calvert-Lewin.

Dhinaca Liverpool xiddigaha ugu qiimaynta wanaagsan ayaa ahaa Andrew Robertson, Thiago iyo Jordan Henderson.

Qiimaynta Labada Kooxood

Everton

PICKFORD 5

COLEMAN 6

MINA 6.

KEANE 8

DIGNE 8

DOUCOURE 7

ALLAN 8

GOMES 5

RODRIGUEZ 8

CALVERT-LEWIN 8

RICHARLISON 6

Liverpool:

ADRIAN 6

ALEXANDER-ARNOLD 7

MATIP 7

VAN DIJK 6

ROBERTSON 8

HENDERSON 8

FABINHO 7

THIAGO 8

SALAH 8.

MANE 7

FIRMINO 6

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.