QIIMAYN: Saxeexyadii Ugu Wanaagsanaa Ee Kooxaha Waaweyn Sameeyeen Tan Iyo 2010 Oo La Qiimeeyey

Suuqa iibka ciyaartoyga xagaagan ayaa si buuxda u furan, waxaana naadiyada waaweyn ay koox walba intii tamarteeda ah kaga adeeganaysaa jeebaddeeda uu dhaawaca gaadhsiiyey Fayraska Korona ee muddada afarta bilood ah aanay wax dakhli ahi soo gelin.

Barcelona ayaa mar horeba tallaabadii ugu horreysay qaadday, waxaanay Juventus kasoo iibsatay ruug-caddaaga khadka dhexe ee Miralem Pjanic iyadoo dhinaca kalena uu tegay Arthur Melo oo Turin ka degaya marka uu dhamaado tartanka Champions League.

Borussia Dortmund ayaa iyaduna gacanta ku dhigtay difaacii PSG ee Thomas Meunier oo ay kooxo badan raadinayeen, halka Tottenham ay gacanta qabsatay Pierre-Emile Hojbjerg oo ay Southamtpon kala soo wareegeen. Chelsea ayaa ah tan ciyaaryahannada ugu waaweyn gacanta kusoo dhigtay, waxaanay soo xerogelisay Timo Werner iyo Hakim Ziyech, halka Liverpool ay keensatay beddelkii Andy Robertson.

Saxeexyada ugu waaweyn ee illaa hadda dhacay ayay kuwan sare ku xusan ka mid yihiin, laakiin waxa kale oo jira naadiyo kale oo lasoo wareegay ciyaartooyo aan sida kuwan magac weyn u lahayn.

Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa mar walba ah kuwa laga qiyaas qaato qaabka uu noqonayo suuqa iibku, balse doorkan waxa dabar iyo xakame aan la dhaafin karin ku noqday saamaynta uu qasnadaha kooxaha waaweyn ku yeeshay Fayraska Korona.

Manchester City ayaa si wanaagsan u adeeganaysa labadii saxeex ee ugu horreeyey oo ahaa Ferran Torres iyo Nathan Ake mar horeba shaacisay, halka Koulibaly iyo xiddigo kalena ay ku raad joogto.

Marka uu tartanka Champions League soo dhamaado ayaa la filayaa in kooxuhu ay dagaalka ugu adag u galaan sidii ay isku xoojin lahaayeen, laakiin inta aan waqtigaas la gaadhin, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa saxeexyadii ugu waaweynaa ee ay kooxaha waaweyn ee Yurub sameeyeen tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.

Qiimayn lagu sameeyey ciyaartoyda la kala iibsaday ee ugu waxqabadka badnaa amaba lagu tilmaamay saxeexyada guuleystay, waxay soo xidheen diiwaanka tobankii sannadood ee kasoo bilaabmay 2010 kuna dhamaanaya 2020.

Wixii halkaas ka dambeeya, waxa bilaabmi doona toban sannadood oo dambe oo iyagana si gaar ah xogtooda loo ururin doono, marka ay dhamaadaanna lala wadaagi doono dadka xiiseeya ciyaaraha.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayn lagu sameeyey saxeexyadii ugu wanaagsanaa ee tobankii sannadood ee ugu dambeeyey oo kasoo bilaabmay xagaagii 2010:

Arsenal: Pierre-Emerick Aubameyang, Weeraryahan

Qiimahihii lagu iibsaday: £57m, 2018

Saxeexii kale ee soo raacay:  Laurent Koscielny

Atletico Madrid: Diego Godin, Difaac

Qiimahihii lagu iibsaday: £7m, 2010

Saxeexii kale ee soo raacay:  Filipe Luis

Bayern Munich: Robert Lewandowski, Weeraryahan

Qiimahihii lagu iibsaday: Free, 2014

Saxeexii kale ee soo raacay:  Joshua Kimmich

Barcelona: Neymar, Afka hore

Qiimahihii lagu iibsaday: £71.4m, 2013

Saxeexii kale ee soo raacay:  Jordi Alba

Borussia Dortmund: Shinji Kagawa, Khadka dhexe

Qiimahihii lagu iibsaday: £280,000, 2012

Saxeexii kale ee soo raacay:  Robert Lewandowski

Chelsea: Eden Hazard, Garabka weerarka

Qiimahihii lagu iibsaday: £31.5m, 2012

Saxeexii kale ee soo raacay:  Cesar Azpilicueta

Inter Milan: Samir Handanovic, Goolhaye

Qiimahihii lagu iibsaday: £13.5m, 2012

Saxeexii kale ee soo raacay:  Marcelo Brozovic

Juventus: Andrea Barzagli, Difaac

Qiimahihii lagu iibsaday: £270,000, 2011

Saxeexii kale ee soo raacay:  Andrea Pirlo

Liverpool: Virgil van Dijk, Difaac

Qiimahihii lagu iibsaday: £76m, 2018

Saxeexii kale ee soo raacay:  Andy Robertson 

Manchester City: David Silva, Khadka dhexe

Qiimahihii lagu iibsaday: £26m, 2010

Saxeexii kale ee soo raacay:  Sergio Aguero

Manchester United: David De Gea, Goolhaye

Qiimahihii lagu iibsaday: £18.9m,  2011

Paris Saint-Germain: Zlatan Ibrahimovic, Weeraryahan

Qiimahihii lagu iibsaday: £19m, 2012

Saxeexii kale ee soo raacay:  Marco Verratti

Real Madrid: Toni Kroos, Khadka dhexe

Qiimahihii lagu iibsaday: £22.5m, 2014

Saxeexii kale ee soo raacay:  Luka Modric

Tottenham Hotspur: Christian Eriksen, Khadka dhexe

Qiimahihii lagu iibsaday: £11.5m, 2013

Saxeexii kale ee soo raacay:  Hugo Lloris

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.