QIIMAYN: Saxeexyadii Ugu Wanaagsanaa Ee Ay Sameeyeen Real Madrid Iyo Barcelona Tan Iyo 2015 Oo La Qiimeeyey – Midkee Faa’iidadii Ugu Badnayd Heshay?

Real Madrid iyo Barcelona waxay ku jiraan xaalad ay dib ugu fiirinayaan waxqabadkoodii xili ciyaareedka dhamaaday oo xaalado kala duwan ay soo galeen ka hor inta aanay u dhaqaaqin inay suuqa u galaan sidii ay ciyaartooyo cusub u soo iibsan lahaayeen.

Labada kooxood ee xafiiltanka weyni ka dhexeeyo, mid kastaana uu dhibsado in kan kale uu guul gaadho, waxa sannadkan gacanta sare yeelatay Real Madrid oo horyaalka LaLiga iyo tartanka Spanish Super Cup iku wada guuleysatay, halka labadoodaba lagu garaacay Copa del Rey oo ay Real Sociedad iyo Athletic Bilbao. Fursadda kaliya ee ay labadooduba u dagaallami doonaan waa tartanka Champions League oo min hal kulan ugu hadhsan yahay wareegga 16ka, inkasta oo ay Barcelona kaga rajo wanaagsan tahay marka la eego natiijadii ay kala soo laabatay Napoli.

Laakiin 10 ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay guuleysatay iyo kulankii ugu dambeeyey oo barbarro ay gashay, waxay Real Madrid siinaysaa qaab wanaagsan oo ay kala hor tegi karto Manchester City oo ciyaartii hore 2-1 kaga badisay iyadoo waliba la joogo Santiago Bernabeu.

Marka laga yimaaddo tartankan, Real Madrid iyo Barcelona waxay diiraddoodu u jeedsan doontaa suuqa iibka ciyaartoyga oo ay ka adeegan doonaan inkasta oo aan la filayn in lacago badan ay bixiyaan maadaama fayraska Korona uu saamayn badan ku yeeshay dhaqaalahooda.

Inta aanay saxeexyada u dhaqaaqin, Los Blancos iyo Blaugrana waxay dib u milicsan doonaan, qiimayna ku samayn doonaan ciyaartoydii ay sannadihii ugu dambeeyey soo iibsanayeen iyo qaabkii ay ula falgaleen ciyaartoyda kale, kuwaas oo iskugu jiray laacibiin fashilmay iyo kuwo guuleystay.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayn lagu sameeyey saxeexyadii ugu wanaagsanaa ee ay Barcelona iyo Real Madrid sameeyeen intii ka dambaysay sannadkii 2015, waxaana si gaar ah loosoo xulay toban ciyaartoy oo labada kooxood ba ah.

Barcelona oo sannadkii 2015 ku guuleysatay Champions League iyadoo haysatay Messi, Neymar iyo Luis Suarez, waxa beddeshay Real Madrid oo saddexdii Champions League ee ku xigay si xidhiidh ah ugu guuleysatay, waxaanay ku darsadeen hal horyaal oo ahaa 2017 ka hor intii aanay Barcelona labadii horyaal ee xigay gacanta ku dhigin, kuwaas oo ay kasii dambaysay Real Madrid oo mar kale kasoo ceshatay.

Saxeexyadii ugu fiicnaa ee ay kooxahani sameeyeen shantii sannadood ee ugu dambaysay, waxa qiimayn lagu sameeyey kaalinta koowaad kaga soo baxay weeraryahanka reer Spain iyo Real Madrid ee Marco Asensio.

Laacibkan ayay Real Madrid kaga soo iibsatay Real Mallorca lacag dhan €3.5  milyan oo kaliya, waxaanu inyar kaddib qiimihiisu gaadhay €45.5 milyan, laakiin xili ciyaareedkan ayuu garoomada kaga maqnaa dhaawac, balse kulamadii ugu dambeeyey oo uu soo laabtay ayuu dhaliyey dhawr gool.

Halkan kaga bogo 10kii saxeex ee ugu wanaagsanaa ee Real Madrid iyo Barcelona ay sameeyeen intii ka dambaysay 2015kii:

10. Mateo Kovacic, Real Madrid

€38 million – Inter Milan, 2015

9. Arthur, Barcelona

€31 million – Gremio, 2018

8. Eden Hazard, Real Madrid

€100 million – Chelsea, 2019

7. Rodrygo, Real Madrid

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.