QIIMAYN: Min Xiddigaha Kooxda, Kuwa Dhexdhexaadka Ah Iyo Kuwa Ay Tahay In Laga Caydhiyo Manchester United – Akhriso Qiimayn Lagu Sameeyey Ciyaartoyda Red Devils

19 ciyaarood oo aan laga badin kaddib, Manchester United waxay ku jabtay halkii ugu xumayd oo ah semi-finalka FA Cup oo ay Chelsea kaga adkaatay, waana xilli ay u baahnayd niyad wanaagsan oo ay kaga faa’iidaysan karto inay soo gasho kaalinta afraad kaddib markii Leicester City oo ay isku dhibco ahaayeen ay guul-darro kala kulantay Tottenham.

Fursadda ugu weyn ee Manchester United ay koob ugu guuleysan karaysay xili ciyaareedkan waxa uu ahaa tartanka FA Cup, laakiin Europa League ayaa jaaniskii ugu dambeeyey u noqon doona Solskjaer iyo ciyaartoyda kale ee naadiga.

Kaddib guul-darrada Manchester United kasoo gaadhay Chelsea, waxa qiimayn lagu sameeyey dhamaan ciyaartoyda naadiga, waxaana lagu soo bandhigay xiddigaha hoggaamiyeyaasha ah ee bandhigga wanaagsan, kuwa u qalma inay kooxda koowaad kasoo muuqdaan, kuwa soo baxaya, kuwa ay tahay inay kooxda iska sii joogaan oo ay beddel sugeyaal iska noqdaan iyo laacibiinta ay tahay in si degdeg ah looga caydhiyo Old Trafford.

Qiimayntan oo loo isticmaalay Tiermaker, waxay soo baxday xilli xaasaasi oo ay Red Devils ku jirto xaalad werwer leh oo beddeshay farxaddii badnayd ee ay ku naaloonayeen muddada dheer, waxaana qiimaynta oo dhamaystiran ay tahay sidan:

Xiddigaha kooxda: Paul Pogba, Bruno Fernandes, Anthony Martial, Marcus Rashford

Ciyaartoyda u qalma inay kooxda koowaad kusoo bilowdaan: Harry Maguire, Mason Greenwood, Aaron Wan-Bissaka, Eric Bailly

Ciyaaryahannada ay tahay inay sii joogaan: Fred, Sergio Romero, Nemanja Matic, Scott McTominay, Victor Lindelof, Odion Ighalo, Axel Tuanzebe, Timothy Fosu-Mensah, Diogo Dalot

Laacibiinta soo baxaya: Tahith Chong, Brandon Williams, James Garner

Ciyaartoyda ay tahay in loo raadiyo koox iibsata: Luke Shaw, Juan Mata

Laacibiinta ay tahay in si degdeg ah loo caydhiyo: David de Gea, Jesse Lingard, Daniel James, Andreas Pereira, Phil Jones, Lee Grant, Angel Gomes

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.