QIIMAYN: Da’yarta Ugu Wanaagsan Yurub Oo SHAN Darajo Lagu Qiimeeyay, Cida Darajada Koowaad Heshay & Haddii Kooxdaadu Ka Muuqato

Xiddigo da’yar ah oo tayo dhab ah leh ayaa gudaha xilli ciyaareedkan amaba soo baxay oo dunida is baray amaba bandhigyo cajiib ah oo ay sanado hore soo sameeyeen halkooda kasii watay.

Da’yarka kooxda Manchester United ee Mason Greenwood ayaa haatan ah hadal haynta mucaashaq kasta oo kubadda cagta ah kaddib bandhigyo indhaha soo jiidanaya oo uu kulamadii dhawaa soo sameeyay.

Wonderkids Greenwood, Fati And Haaland

18 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareedkan 16 gool usoo dhaliyay Red Devils tartamada oo dhan isaga oo leh awooda iyo tamarta uu ku noqon karo weeraryahanada ugu wanaagsan Yurub.

Si kastaba, Joe Thomlinson oo ah soo jeediyaha barta Youtube ee Football Daily ayaa soo xushay da’yar uu u sameeyay shan darajo oo kala sarreeya kuwaas oo uu u arko kuwa ugu wanaagsan haatan.

Darajada koowaad ayuu Joe siiyay xiddigaha da’yarta ah ee wacdaraha ku dhigaya horyaalka Bundesliga ee Jadon Sancho iyo Erling Haaland oo Borussia Dortmund ka tirsan iyo Alphonse Davies oo Bayern Munich ah.

Joe Thomlinson ayaa darajada labaad u diiday da’yarka Barcelona ee Ansu Fati oo uu kaabada saddexaad fadhiisiyay halka uu darajada labaad siiyay xiddigaha labada Manchester ee Phil Foden iyo Mason Greenwood.

Ka Boggo Shanta Darajo Ee Joe Thomlinson Oo Dhammaystiran

Darajada Shanaad

Dwight McNeil (Burnley)

Darajada Afraad

Eduardo Camavinga (Rennes)

Dejan Kulusevski (Parma/Juventus)

Takefusa Kubo (Mallorca/Real Madrid)

William Saliba (Saint-Etienne/Arsenal)

Darajada Saddexaad

Bakayo Saka (Arsenal)

Ansu Fati (Barcelona)

Rodrygo (Real Madrid)

Gabriel Martinelli (Arsenal)

Darajada Labaad

Phil Foden (Man City)

Mason Greenwood (Man United)

Darajada Koowaad

Jadon Sancho (Borussia Dortmund)

Alphonso Davies (Bayern Munich)

Erling Haaland (Borussia Dortmund)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.