QIIMAYN: Daafaca 20-ka Kooxood Ee Premier League Oo La Qiimeeyay, Kooxda 1-aad Haysata & Kuwa Fadeexada Dhex Taagan

Horyaalka Premier League ayaa haysta qaar kamida weeraryahanada ugu wanaagsan guud ahaan dunida kubadda cagta waxaana kamid ah Mo Salah, Sergio Aguero, Pierre Emerick-Aubameyang iyo Harry Kane.

Marka laga wada hadlayo weeraryahanada ee laga doodayo inta ay ugu caansan yihiin Ronaldo iyo Messi, waxa si sahlan lagu ilaawaa shaqada daafacyada fududeeya in xiddigaha kooxdoodu ay weerar qaadaan.

Haatan iyadoo uu suuqa kala iibsigu xidhnaan doono ilaa bisha January, waa wakhtigii ku haboonaa ee la xusi lahaa afarta daafac ee ugu bilaaban doona kooxaha Premier League isla markaana qiimayn lagu sameeyo sida ay u kala fiican yihiin.

Haatan shabakadda GiveMeSport ayaa qiimayn buuxda ku samaysay safafka daafaca ee kooxaha horyaalka ugu heerka sarreeya England, qaabka ay u kala qiimaynta sarreeyaan iyo kooxaha kaalmaha hore xidhay.

Booska koowaad ayay kusoo baxday kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool oo marka laga yimaado bandhigoodii kulankii Aston Villa ee u dambeeyay haysta saf daafac oo gaashaaman waxaana booska labaad soo xidhatay Wolves oo qofkasta oo yaqaanaa ogyahay sida ay u adagtahay in shabaqooda la tago.

Layaabka qiimayntan ayaa ah in dambeeda Man United lagu qiimeeyay booska 10-aad, safka daafaca Red Devils ayaa u muuqda xilli ciyaareedkan mid sahlan iyadoo saddex kulan lagaga dhaliyay 11 gool oo Premier League ah.

Liiska Oo Dhammaystiran

20. Fulham

Goolhaye: Areola

Safka Daafaca: Aina, Hector, Ream, Bryan

19. West Bromwich Albion

Goolhaye: Johnstone

Safka Daafaca: Furlong, Bartley, Ajayi, O’Shea, Gibbs

18. Newcastle United 

Goolhaye: Dubravka

Safka Daafaca: Manquillo, Lascelles, Schar, Fernandez, Lewis

17. Aston Villa

Goolhaye: Martinez

Safka Daafaca: Cash, Konsa, Mings, Targett

16. Southampton

Goolhaye: McCarthy

Safka Daafaca: Walker-Peters, Vestergaard, Bednarek, Bertrand

15. Crystal Palace

Goolhaye: Guaita

Safka Daafaca: Ward, Sakho, Cahill, Mitchell

14. West Ham United

Goolhaye: Fabianski

Safka Daafaca: Coufal, Diop, Ogbonna, Cresswell, Masuaku

13. Leeds United

Goolhaye: Meslier

Safka Daafaca: Ayling, Koch, Cooper, Dallas

12. Brighton & Hove Albion

Goolhaye: Ryan

Safka Daafaca: Lamptey, White, Webster, Dunk, March

11. Everton

Goolhaye: Pickford

Safka Daafaca: Coleman, Mina, Keane, Dign

10. Manchester United

Goolhaye: De Gea

Safka Daafaca: Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw

9. Burnley

Goolhaye: Pope

Safka Daafaca: Bardsley, Mee, Tarkowski, Taylor

8. Sheffield United

Goolhaye: Ramsdale

Safka Daafaca: Baldock, Basham, O’Connell, Egan, Stevens

7. Arsenal

Goolhaye: Leno

Safka Daafaca: Bellerin, Luiz, Gabriel, Tierney, Saka

6. Spurs

Goolhaye: Lloris

Safka Daafaca: Doherty, Dier, Alderweireld, Reguilon

5. Chelsea

Goolhaye: Mendy

Safka Daafaca: James, Azpilicueta, Zouma, Chilwell

4. Manchester City

Goolhaye: Ederson

Safka Daafaca: Walker, Dias, Laporte, Mendy

3. Leicester

Goolhaye: Schmeichel

Safka Daafaca: Pereira, Soyuncu, Evans, Castagne

2. Wolverhampton Wanderers

Goolhaye: Rui Patricio

Safka Daafaca: Semedo, Boly, Coady, Saiss, Jonny

1. Liverpool

Goolhaye: Alisson

Safka Daafaca: Alexander-Arnold, van Dijk, Gomez, Robertson

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.