QIIMAYN: 50kii Ciyaartoyga Ee Ugu Fiicnaa Taariikhda Brazil, Halka Uu Kaga Jiro Neymar & Pele Oo Booska 1aad Lagala Baxay

Salaasadii ayay dood cusub ka abuurantay waddanka Spain iyadoo la isweydiinayo kuwa ay yihiin xiddigihii ugu waaweynaa abid ee soo maray.

Dooddan ayaa dhalatay markii uu Neymar Jr dhaliyey saddexlay goolal ah oo uu ku saqiiriyey Peru oo ay ku garaaceen 4-2, taas oo keentay inuu dhaafo rikoodhkii gool dhalinta halyeygii ay isku waddanka ahaayeen ee Ronaldo Nazario.

28 jirkan oo u saftay Brazil 103 ciyaarood ayaa u dhaliyey 64 gool, waxaanu meel iskaga xidhay Ronaldo Nazario oo 98 kulan oo uu u ciyaaray waddankiisa muddo 17 sannadood ahayd oo uu metelayay u dhaliyey 62 gool.

Halyeyga hore ee Barcelona, Inter Milan iyo Real Madrid ee Ronaldo ayaa waxa uu waddankiisa la qaaday laba koob adduun oo midkood aanu ciyaarin ee kaliya uu kaydka fadhiyey, waana sannadkii 1994kii, halka uu sannadkii 1998kii Faransiisku ku garaacay ka hor intii aanu 2002 ku guuleysanin Koobka Adduunka oo lagu qabtay Korea iyo Japan.

Inkasta oo Neymar uu goolal badan dhaliyey, isla markaana uu Pele oo kali ahi ka goolal badan yahay, haddana waxa uu meel dambe kaga jiraa liiska halyeeyada xulka qaranka Brazil, waxaana ka horreeya laacibiin badan.

Qiimayn lagu sameeyey xiddigihii soo maray waddanka Brazil ayaa waxa lagu soo koobay 50kii ugu fiicnaa, waxaana uu Neymar ku jiraa booska 15aad isagoo ka dambeeya Kaka, Cafu iyo Rivaldo.

Ronaldo Nazario ayaa kaalinta koowaad kala baxay Pele oo labaad u dhaadhacay, halka Ronaldinho, Rivaldo iyo Romario ay ku kala jiraan saddexaad, afraad iyo shanaad.

Boosaska lixaad, toddobaad, siddeedaad, sagaalaad iyo tobnaad ayay ku kala jiraan Garrincha, Kaka, Cafu, Socrates iyo Carlos Albereto.

Halkan kaga bogo qiimaynta 50ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa taariikhda xulka qaranka Brazil:

50. Branco

49. Aldair

48. Dunga

47. Arthur Friedenreich

46. Douglas Costa

45. Ademir da Guia

44. Ze Roberto

43. Roberto Dinamite

42. Mario Zagallo

41. Robinho

40. Maicon

39. Casemiro

38. Zito

37. Philippe Coutinho

36. Roberto Firmino

35. Dida

34. Claudio Taffarel

33. Alisson Becker

32. Adriano

31. Thiago Silva

30. Jorginho

29. Juninho Pernambucano

28. Gilmar

27. Careca

26. Marcelo

25. Marta

24. Vava

23. Leonidas da Silva

22. Nilton Santos

21. Djalma Santos

20. Bebeto

19. Paulo Roberto Falcao

18. Gerson

17. Dani Alves

16. Tostao

15. Neymar

14. Didi

13. Roberto Rivelino

12. Jairzinho

11. Zico

10. Carlos Alberto

9. Socrates

8. Cafu

7. Kaka

6. Garrincha

5. Romario

4. Rivaldo

3. Ronaldinho

2. Pele

1. Ronaldo

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.