Qiimaha Lagu Iibinayo, Kooxda Uu Ku Biiri Doono Iyo Sababta Dhabta Ah Ee Ay Chelsea Diyaarka Ugu Noqotay Bixitaanka Jorginho.

Kooxda Chelsea ayaa badashay halkii ay ka taagnayd bixitaanka xidiga khadka dhexe ee  Jorginho waxayna Blues diyaar u tahay in ay xidiga reer Talyaani iibin karto suuqa xagaaga waxaana sidoo kale la ogaaday nooca dalabka ay maamulka Stamford Bridge aqbali karaan.

Jorginho ayaa hore xidig muhiim ah uga soo ahaa kooxdiisa Chelsea laakiin tan iyo markii laga soo laabtay go’doonkii karoonaha waxa uu noqday mid aan saamayn ku lahayn kooxda Franke Lampard ee Blues.

Sababta dhabta ah ee Chelsea ku qasbaysa in ay iibiso Jorginho ayaa lagu sheegay in aanu hadda muhiim kooxda uga wayn sidii hore isla markaana ay maamulka Blues doonayaan ciyaartoy ay lacag kala soo baxaan si ay buugaagta xisaabtooda ugu dheeli tiri karaan maadaama oo ay lacago badan ku kharash gareeyeen Hakim Ziyech iyo Timo Werner.

Sidoo kale waxay Chelsea doonaysaa in ay saxiixo kale samayso taas oo ku qasbaysa in ay marka hore kooxdeeda ka dirto xidigo ay boosaskooda heli karaan ama ay kooxda ku haystaan si dib u qaabayn balaadhan loo sameeyo.

Shabakada Talyaaniga laga leeyahay ee  Calciomercato ayaa lagu shaaciyay in kooxda uu ku biiri doono Jorginho ay tahay Juventus maadaama oo Maurizio Sarri uu doonayo in uu kooxdiisii saddexaad kula shaqeeyo xidigan.

Sarri ayaa Jorginho ku soo shaqeeyay waqtigiisii Napoli laakiin markii uu Chelsea la wareegay waxa uu Stamford Bridge keenay xidiga reer Talyaani balse waxay u muuqataa in uu markii saddexaad fursad u heli doono.

Warkan ayaa lagu sheegay: “Waxa Jorginho wanaag ka rajaynayaa in uu ku soo laabto Italy, koox Turin ka dhisan ayaana tilmaantiisa ah aad ayaana loogu soo dhawayn doonaa”.

Qiimaha ay Chelsea ku iibin karto Jorginho ayaa lagu shaaciyay in ay tahay 40 milyan gini taas oo Juventus siin karta in ay xidigan iyo Sarri markale midayn karto.

Frank Lampard waxa uu hubsaday in uu shaqayn karo la’aanta Jorginho kadib markii uu kulamo badan si buuxda u tijaabiyay in ayna kooxdiisu hadda ku tiirsanayn adeegii Jorginho.

Laakiin in Jorginho uu ku biiri doono Juventus waxay si buuxda ugu tiirsanaan doontaa haddii Maurizio Sarri uu sii hayn doono shaqada kooxdiisa Juventus maadaama oo uu soo baxay shaki ku xeeran sii joogitaankiisa Turin.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.