“Premier League Waan Kusoo Dhibtooday, Daafacyadu Laag Ayay Kula Dhacayaan Kaddibna……” Higuain Oo Aan Waxba U Qarin Lionel Messi Oo PL Lala Xidhiidhinayo

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhawaanahan lala xidhiidhinayaa inuu iskaga baxayo kooxdiisa kaddib xillin ciyaareed adag oo ay soo qaadatay balse saaxiibkiisa xulka Argentina ee Gonzalo Higuain ayaa kala taliyay dhinaca Premier League.

Kooxaha lala xidhiidhinayo Messi ayay ku jiraan kuwo ka ciyaara Premier League waxaana ugu horreysa Manchester City oo uu joogo tababarihiisii hore ee Pep Guardiola.

Higuain ayaa xilli ciyaareedkii 2018-19 qaybtiisii dambe kasoo ciyaaray PL isaga oo kasoo tirsanaa Chelsea oo uu mudo gaaban qaab amaah ah kula soo joogay.

Weeraryahanka Juventus oo waraysi siiyay Fox Sports ayaa sheegay inuu isagu kusoo dhibtooday inuu la qabsado Premier League isaga oo sheegay in daafacyadu ay laag kula dhacayaan isla markaana uusan garsooruhu waxba kuu qabanayn.

Intaas kaddib Higuain ayaa xusay inuusan filayn in Messi uu ku dhibtoon doono Premier League maadaama oo uu isagu yahay ciyaaryahan heer kale ah.

Gonzalo ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Anigu wax badan ayaan ku dhibtooday Premier League kulamanaan qabsan karayn lixdaas bilood, maaha wax lamid La Liga”

“Halkaas daafacyadu waxa ay kugu dhibayaan laagag (Darbooyin) iyaguna (Garsoorku) uma yeedhinayaan siidhiga si ay u dhigaan laadad xor ah sida ay ka sameeyaan Spain”

“Anigu ma garanayo sida ay taasi u saamayn doonto Messi, uma malaynayo inuu isagu dhibtoon doono maadaama oo uu yahay ciyaaryahan heer kale jooga”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.