Philippe Coutinho, Thomas Partey, Willian…. Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Mikel Arteta Ka Fikirayo In Uu Xili Ciyaareedka Cusub Ku Dagaal Galo.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa haddaba bilaabay in uu diyaar sado kooxdii uu ku tartami lahaa xili ciayareedka cusub markaas oo uu qorshaysanayo in xili ciyaareedkiisa buuxa ee ugu horeeya ee Gunners uu noqdo mid lagu xusuusan karo.

Mikel Arteta ayaa koobkiisii ugu horeeyay ee Arsenal isaga oo tababare ah waxa uu la qaaday kulankii Wembley Stadium ee FA Cupka ay ku garaaceen Chelsea laakiin Arteta waxa uu bilaabay in uu sii hub urursado.

Haddaba waxaa la saadaaliyay nooca shaxda macquulka ah ee uu Mikel Arteta bisha soo socota uu xili ciyaareedka Premier League iskugu diyaarin karo waxaana ku jira magacyo kooxdiisa sare u qaadi kara.

Warar soo baxay ayaa xaqiijiyay in Arsenal ay dalab layaableh miiska u saartay Willian kaas oo ka mushaar badan heshiiskii cusbaa ee uu Chelsea ka diiday iyo kii ay Barcelona ku soo dalbatay waxayna sidoo kale Gunners balan qaaday in qandaraas saddex sano ah ama ka badan ay siin karaan Willian.

Waxa kale oo ay Arsenal muddo doonaysay xidiga kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey kaas oo diyaar u ah in uu Gunners ku soo biiro waana mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee waqti xaadirkan ugu saamaynta badan.

Arsenal ayaa sidoo kale doonaysa in ay Philippe Coutinho ku soo celiso Premier league haddii ay amaah noqonayso iyo haddii ay iib qiimihiisa hoos loo dhigay ku helaysaba.

Waxa kale oo ay Arsenal qorshaynaysaa in ay heshiiska amaahda ah ee Dani Ceballos ay kordhiyaan ama ay xataa mid rasmi ah ka dhigi karaan.

Difaaca dhexe waxay Arsenal haddaba ku heshay xidiga ay hore heshiiska xagaagii hore ugula sii wareegtay ee Saliba kaas oo la filayo in uu deganaansho difaac siin karo Gunners inkasta oo ay wali u baahan doonaan isbadal ka badan.

Haddii uu Mikel Arteta kaga dhabeeyo hamigiisa wayn ee ah in uu weerarkiisa ku wada helo Coutinho, Willian iyo Aubameyang oo uu kooxda ku sii haynayo waxay keeni kartaa in ay Gunners horumar wayn samayn karto.

Shaxda Macquulka Ah Ee uu Arteta Ku Fikirayo In Uu Ku Soo shirtagi Karo Xili ciyaareedka Cusub

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.