Pep Guardiola Oo Sheegay In Mulkiileyaasha Man City Aanay Ku Faraxsanayn Isaga – Muxuu Samayn Doonaa?

Tababare Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in mulkiileyaasha kooxda Manchester City aanay ku faraxsanayn isaga iyo in kooxdu ay xili ciyaareedkan difaacan kari weyday horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

City ayaa ku guuleysanaysay horyaalka Premier League labadii xili ciyaareed ee hore, waxaana intii uu Pep Guardiola yimid ay hanteen koobabkii ugu badnaa ee maxalli ah.

Siddeed koob ayuu Pep Guardiola u qaaday City laga soo bilaabo xili ciyaareedkii 2016, laakiin sannadkan ayey horyaalka Premier League dhibco rikoodh ah ku garaacday Liverpool, iyadoo ujeeddadii ugu weynayd ee tababaraha reer Spain uu u tegay Etihad Stadium oo ahayd Champions League aanu wali ka keeni natiijo wanaagsan.

Inkasta oo Carabao Cup ay ku guuleysteen, sidoo kalena ay semi-finalka FA Cup la ciyaari doonaan Arsenal, lugtii hore ee Champions League ee wareegga 16kana ay Real Madrid 2-1 kaga soo adkaadeen, haddana Pep Guardiola waxa uu sheegay in Guddoomiyaha kooxdu aanu ku faraxsanayn natiijooyinka kooxda, waxaanu yidhi: “Dhaleecayn ayaa ka jirta kooxdayda. Kooxda gudaheeda, marka wax aanan jeclaysan ay ka jiraan, waxaan la kulmaa guddoomiyaha oo aan u sheegaa, laakiin guddoomiyahaygu aniga iguma faraxsana.”

Manchester City oo guul cidhiidh ah oo 2-1 ah ka gaadhay Bournemouth oo ay ku qaabishay Etihad Stadium, waxa uu Guardiola sheegay in guddoomiyaha uu la fadhiisan doono oo ay ka wada hadli doonaan kooxda, waxaanu yidhi: “Waxaanu ku dhamaysanaynaa anagoo 21 dhibcood ka dambayna Liverpool. Aniga iguma faraxsana (Guddoomiyuhu), laakiin waxaanu isku dayaynaa inaan si hoose uga wada hadalno, kuna qancino in aanu xili ciyaareedka dambe wax fiican samayn doono. Laakiin mar walba waa gudaha garoonka.”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.