“NUS MILYAN Lacag Ah Ayaan Ku Qaatay Si Aan Ronaldinho U Dhaawaco, Isaga Ayaan U Sheegay Kaddib Waxa Uu Igu Yidhi……..” – Sheeko Argagax Leh Oo Soo if-Baxday

Xiddigii hore ee xulka qaranka Argentina una soo ciyaaray kooxaha kala ah River Plate, Boca Juniors, Zaragoza, Celta iyo Valencia ee Fernando Caceres oo u warramay barta Youtube-ka ee Idolos ayaa shaaca ka qaaday sheeko xiiso leh.

Caceres ayaa sheegay in loosoo bandhiga nus Milyan lacagta loo yaqaano ee Pesetas ee lagu isticmaalo Spain si uu kaliya u dhaawaco mucjisadii kooxda Barcelona iyo Brazil ee Ronaldinho.

Caceres revealed what he was offered to injure Ronaldinho. Captura/Idolos

Imaatinkii Ronaldinho ee Barcelona ayaa bedelay horyaalka La Liga, halyeeyga ree Brazil ayaa deg-deg u qabsaday indhaha caalamka isaga oo noqday midka ugu soo jiidashada badan kubadda cagta Spain.

Ronaldinho ayaa isaga oo ku jiray wakhtigiisii ugu fiicnaa ka caawiyay Barcelona inay gasho xilli dahabi ah oo ay ilaa maanta ku jirto balse qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa ayaan ahayn mid uu jeclaystay qofkasta sida uu haatan sheegay Fernando Caceres.

Caceres ayaa wakhtigan ku jira wali kasoo kabashada xabad madaxa lagaga dhuftay sanadkii 2009 markaas oo ay budhcad isku day ku samaysay inay dhacdo.

Xiddigan hore ee ree Argentina ayaa sheegay in kulanka loo bandhigay lacagta Nus Milyanka ah uu ahaa mid qabsoomay sanadkii 2004 isla markaana uu isagu kasoo safnaa dhinaca Celta Vigo.

Caceres oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi “Kulan Celta vs Barca ah ayaanu ku ciyaaraynay Vigo, markii ugu horreysay ee uu Ronaldinho tagay si uu kubadda u helo, xaga dambe ayaan laag kaga keenay, waxaan ka caawiyay inuu kaco waxaanan ku idhi isaga ‘Waxa la isoo bandhigay 500,000 pesetas (3,005 euros) si aan isaga ugu qasbo inuu garoonka ka baxo”

Intaas kaddib sheekada dhacday oo ahayd mida ugu xiisaha badan ayuu Ronaldinho muujin waayay wax cabsi ah isaga oo u sheegay inuu dhaawaco haddiiba uu awoodo inuu soo qabto.

Caceres oo jawaabta Ronaldinho ka hadlaya ayaa yidhi “Haddii aad awoodo inaad isoo qabato (Ayuu iigu jawaabay) isaga maan raacan intaas kaddib, waan cabsanayay, isagu wuu cadhaysnaa”

Fernando Cáceres: Me ofrecieron 3000 euros por sacar a Ronaldinho ...

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.